warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in madaxwayne siilaanyo isku shaandhayn ku samaynayo golihiisa wasiirad waxaa jira warar ku dhaw dhaw madaxweynaha iyo qasriga madaxtooyada oo sheegaya in uu madaxweynuhu kulan la yeeshan Marwo Adna Aadan, isaga oo kala hadlay in uu damacsan yahay in uu xilka Wasiirka Arrimaha Dibada u dhiibo, marka uu ka soo noqdo shirka London.+sawir
Waxaa warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in madaxwayne siilaanyo isku shaandhayn ku samaynayo golihiisa wasiirad waxaa jira warar ku dhaw dhaw madaxweynaha iyo qasriga madaxtooyada oo sheegaya in uu madaxweynuhu kulan la yeeshan Marwo Adna Aadan, isaga oo kala hadlay in uu damacsan yahay in uu xilka Wasiirka Arrimaha Dibada u dhiibo, marka uu ka soo noqdo shirka London.
Warku ma sheegin in ay Marwo Adna aqbashay iyo in kale, waxaa kaloo aan dhanka xukuumada ka soo bixin wax xog ah oo dheeraada oo ku saabsan kulnka Adna iyo madaxweynaha. Waxaase jira in illaha aanu ka helayno xogahaasi tibaaxayaan in uu doonayo in wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar loo bedelo wasaarada waxbarashada, sidoo kale Samsam cabdi Aadan oo ay jiraan xidhiidho aad u dhumuc weyn oo ay la leedahay madaxtooyada ayaan illaa hadda aan la sheegin ama la saadaalin halka la gayn doono.
Waxaa la sheegayaa in wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibada laga dhigi doono Dr Maxamed Rashiid, halka Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Maxamed Yoonis la sheegayo in aan xil loo magacaabayn, sidoo kale wasiir ku xigeenka waxbarashada, Cali Xaamud, lagu wado olole madaxtooyada ah, sidaas awgeed la sheegayo in lagu qanciyey madaxweynaha in uu xilka ka qaado.
Dhnka kale illa shalay ayaa waxaa socday xubno u olaynayey in shakshiyaad dhawr ah oo isku beel wada ah lagu bedelo jagadii agaasimaha wasaarada arrimaha dibada, Maxamuud Raage. Middaas oo aa weli meel la isla dhigin.
Waxaa isna jira warar sheegaya in Maxamed Xaashi Cilmi qarka u saaran yahay in uu xilka sika dhiibo, inkastoo oo beeniyey, haddana siiqada uu ku beeniyey ayaa ahayd mid ka turjumaysa xaallada taagan, laakiin aan ka turjumayn ku qanacsanaanta shaqada.
Wasiir Axmed Xaashi Oday, wasiir Cabdillaahi Geeljire, wasiir Axmed Xaabsade iyo wasiir Cadami, ayaa xilalkooda laga bedelayaa, waxaanse cadayn halka la gayn doono iyo xilalka in laga qaadi doono qaarkood iyo in xilal kale loo bedeli doono.
Waxa ugu mudan ee xogtan la soo uruuriyey ay muujinaysaa waxa ay tahay in uu dareensan yahay madaxweynaha Somaliland in wasaarado dhawr ah ay noqdeen hawlgab aan xilkoodii gudanayn, qaar kalea ay fadeexado iyo musuq maasuq ka dhamaan waayeen.