axweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa iyo wefti uu Hoggaaminayo ayaa maanta u kicitimay dalka Ingiriiska, waxaanay qadar ku sii hakan doonaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya+sawiradii madaxwaynaha . daawo
Hargeysa (maantaSomaliland.com)-axweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa iyo wefti uu Hoggaaminayo ayaa maanta u kicitimay dalka Ingiriiska, waxaanay qadar ku sii hakan doonaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud oo ka hor intii aanu dalka ka dhoofin warbaahinta ugu waramayay qolka nasashada ee madaarka caalamiga ah ee Hargeysa, ayaa ka waramay socdaalkiisa waxaanu yidhi “Waxaan u ambo-baxayaa dalka Ingiriiska haddii ALLE idmo halkaasi oo uu 23-ka Feberwari ka dhici doono shir ay dunidu iskugu imanayso oo illaa 45 dawladood iskugu imanayaan, shirkaasi oo lagaga hadli doono arrimo badan oo mandaqada saameeya haddii aynu nahay Somaliland waa la inagu marti-qaaday shirkaasi, waxaanu fursad u helaynaa inaanu ka dhiibano ra’yigayaga oo aanu haddii ALLE idmo geyno qadiyadda Somaliand oo nalaga dhagaysto oo aanu la hadalo dawladaha iyo ummaddaha halkaasi iskugu imanaya. Waxaan doonaynaa inaan dawladaha ka soo qeyb galaya qadiyadeena ka dhaadhicino oo hoggo tusaalayno.”
<
“Waxaan ILAAHAY ka baryaynaa inuu shirkaasi inagu guuleeyo, ummaddu shirkaasi tagistiisa dood badan baa ka dhacday waa lagala tashaday Ha’yadihiisa kala duwan, shirkaasi waa la isku raacay ummadda reer Somaliland inyar mooyaane’e inteedii badnayd, Goleyaal, Asxaab iyo ururada cusub ee siyaasada ee la sameeyayba. Waxa la isku raacay in dan iyo maslaxadi ugu jirto dawladda iyo ummadda reer Somaliland oo shirkaasi ay ka qeyb galaan, si ay qadiyadooda meel kasta gaadhaan,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Sidaasi darteed waxaanu shirkan kaga qeyb galaynaa anagoo wefti balaadhan ah oo xukuumadda, Goleyaasha iyo asxaabtaba ka kooban, waxaanan ka rajaynaynaa in ILAAHAY nagu guuleeyo shirkaasi.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland oo la weydiiyay waxa uu kaga jawaabayo eedo musuqmaasuq oo uu xukuumaddiisa u jeediyay Guddoomiye Ku xigeenka KULMIYE, waxa uu yidhi “Dawladayda musuqmaasuq kama jiro ayaan leeyahay oo waxaan ogahay kama jiro, Musuqmaasuqu waa mid aanu la dagaalamayno Ha’yado badan ayaanu u samaynay Musuqmaasuqa la dagaalankiisa oo ay ka mid tahay Ha’yada maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Hanti dhawrkii ayaa jira, had iyo goor qaran walba wuu ka soo baxaa dad ama askhaas markii wixii ay doonayeen iyo danahoodii ay waayeen ku aflagaadooda qaranka iyo masuuliyiinta qaranka ayaa iska jira. Waxaasna samir, adkaysi iyo dulqaad aanu ku qaadno waanu leenahay.
Geesta kale, waxa madaxweynaha Somaliland maanta ka sii raacay Magaalada Hargeysa Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo qudha, waxa kale oo iyaguna magaaladda Addis ababa ka soo kicitimaya oo ay London iskugu imanayaan weftigii hore u sii ambo-baxay ee uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaabsadde oo ay weheliyeen Hoggaanka xisbiyada qaranka iyo Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Somaliland.
Madaxweynaha waxa madaarka ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno ka tirsan Golaha Wasiirradda, Xildhibaano,saraakiil ka tirsan xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE, waxaanu madaxweynuhu madaarka salaan sharaf kaga sii qaatay cutub ka tirsan ciidamadda qaranka.
xuseen xarbi
maantasomaliland.com
hargaysa