Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa shaaca ka qaaday inay Tallaabo adag ka qaadi doonaan Ganacsatada iyo maal-qabeenadda ay ku baaqdeen cashuuraha kala duwan ee ku waajibay hantidooda.

Maayarka Hargeysa oo Digniin iyo baaq u diray Ganacsatada ay ku baaqdaan cashuuruhu

 

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa shaaca ka qaaday inay Tallaabo adag ka qaadi doonaan Ganacsatada iyo maal-qabeenadda ay ku baaqdeen cashuuraha kala duwan ee ku waajibay hantidooda.

Maayarka ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa waxa uu sidaasi ka sheegay shir jaraa’id oo uu kaga xog-waramayay qorshe cusub oo ay u dhigeen nidaamka cashuur ururinta dawladda Hoose sanadkan 2012-ka.

“Cashuurta Dawladda Hoose ee Hargeysa way sii badataa sanadba sanadka ka dameeya, dabcanna waxaanu uga mahad-naqaynaa shacbiga ku dhaqan Caasimadda Hargeysa oo gartay inay bixiyaan cashuuraha. Waxay dadweynuhu fahmeen haddii aan cashuurta la bixin inaan horumar la gaadhayn oo anaguna dawlad hoose ahaan qaban kari mayno adeeggyadii nalaga sugayo ee aanu bulshadda u haysno. Nabadgelyana la heli maayo haddii aan cashuuraha la bixin. Horumarka wanaaga iyo horumarka magaaladdu wuxuu ku xidhan yahay cashuurta oo la bixiyo,”ayuu yidhi Maayarka Caasimadda Hargeysa.

Eng. Xuseen Maayarka caasimaddu wuxuu ku dhaliilay ganacsatadda iyo dadka maal-qabeenadda ah inay ku xun yihiin bixinta cashuuraha, waxaanu yidhi “Dadka maal-qabeenka ah ayaa cashuur-bixinta aad ugu xun inta aanu imika waayo-aragga ku noqonay dadweynaha iyo dadka nolasha dhexe iyo dadka aan waxba haysan ayaa cashuurta ku dedaalla. Dawladda Hoose cashuurteedu ma badna waa Guryaha kirada laga qaadanayo ama meherada laga dhigay ardiyadooda iyo liisanka meheradaha ee sanadkiiba hal mar kugu waajibay. Waxaanu u soo jeedinaynaa dadka maal-qabeenka ah inay siday tahay iskaga bixiyaan cashuuraha oo ay dadweynaha kaleba ka soo horeeyaan.”

Maayar Jiciir waxa uu sheegay inay ganaax iyo tallaabo ka qaadayaan cid kasta oo sanadkii hore ay cashuuro ku baaqdeen, waxaanu tilmaamay inay sanadkan qorshe cusub u sameeyeen cashuur ururinta.
Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda cashuuraha ee dawladda Hoose ee Hargeysa Rabiile Cumar Aw- Cabdi, ayaa isna sheegay inay dejiyeen qorshe hufan oo ay ugu tallo galeen inay ku nidaamiyaan cashuur ururinta suuqyada Waaheen iyo Gobanimo ee magaaladda Hargeysa.

Agaasimuhu waxa uu intaasi ku daray inay dawladda hoose qaadi doonto olaleyaal kor loogu qaadayo dhinaca cashuuraha, waxaanu dadweynaha ka codsaday inay iska bixiyaan cashuuraha ku waajibay hantidooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com