Weftigii Afarta Xildhibaan ahaa ee Haweenka ka socday Baarlamaanka dalka Jabuuti, oo ay hogaaminayso Marwo Caasha Maxamed Rooble ayaa maanta waxay kulan la yeesheen Golaha Guurtida jamhuuriyadda Somaaliland iyo Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Mudane Cabdi Dirir Cabdi.
Hargeysa (maantSomaliland.com)- Weftigii Afarta Xildhibaan ahaa ee Haweenka ka socday Baarlamaanka dalka Jabuuti, oo ay hogaaminayso Marwo Caasha Maxamed Rooble ayaa maanta waxay kulan la yeesheen Golaha Guurtida jamhuuriyadda Somaaliland iyo Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Mudane Cabdi Dirir Cabdi.
Weftigan Baarlamaanka Dalka Jabuuti oo ugu kulan la qaatay Golaha guurtida waxa halkaasi waftiga xog-waran ku saabsan Golaha Guurtida iyo Sooyaalkii wax-qabad ee Golaha halkaasi ku siiyey Gudoomiyaha Gudiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Mudane Muxumed Aw Axmed, waxaanu gudoomiyuhu sharax ka siiyey Aasaaskii aqalka odayaasha iyo wax-qabadkiisii, waxaanu xusay in Goluhu kaalin weyn ka soo qaaatay dib u hieshiisiintii beelaha Somaliland, dhismihii Ha’yadaha qaranka iyo marxaladii gedi socodka dimuqraadiyadda.
Md. Muxumed Aw Axmed waxa uu tafaasiil ka bixiyay qaabka y xidhiidhka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya labada aqal ee baarlamaanka Guurtida iyo Wakiiladda.
Sidoo kale, Xoghayaha Golaha Guurtida Md. Cabdillahi Ibraahim Habane, ayaa isna waxa uu weftiga tafaasiil kooban ka siiyey Golaha guurtida isaga oo si Guud uga waramay dhaqanka ay Bulshooyinka Guud ahaan Gobolka Geeska ku Nooli ay isu dhow-dhow yihiin.
Mudane, Habane waxa uu tilmaamay in Bulshooyinku u noolaayeen una nool yihiin Hanaan qabaliya maadaama ay waayadii hore jirin Nidaam duwaliya,balse waxa kaalintaa Bulshooyinka ugu jiray Odayaasha dhaqan oo ahaa Guurtida hadba arrinkii jira ayay maarayn jireen xilkooduna inta xaajada taagan la maaraynayo ayay ku Ekayd keliya.
Md. Habane Weftiga u sheegay in Golahan Guurtida ee maanta la aasaasay 1988-Kii markii laga qaxay dalkan ee dagaalka lala galay Taliskii siyaad Barre.waxaanuu intaa raaciyey in Golahan Guurtidu Somaliland ugu jiro kaalinta sidii Laysu waafajin lahaa dhaqanka iyo Dawladnimada casriga.
Waxa kale oo Weftiga Baarlamaanka Jabuuti la kulmeen Gudomiyaha baanka Somaliland Mud, Cabdi Dirir Cabdi iyo Agaasimaha Guud ee Baanka oo iyana halkaa warbixin ku siiyey.
Marwo Caasha Maxamed Rooble ayaa masuuliyiinta ay la kulantay uga mahad celisay warbixinta ay ka siiyeen qaabka ay u shaqeeyaan waxaanay ammaantay doorka golaha guurtiddu ka soo qaateen nabadeytii iyo marxaladii ay Somaliland kaga soo gudubtay hanaankii beelaha ahaa.