Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

(war deg deg ah)Ciidamo ka tirsan jabhada ONLF oo tiradooda lagu qiyaasay dhawr iyo soddon nin ayaa goor dhawyd cabaaro fiidkii ayaa xeebta galbeed ee somaliland ka soo degay,kuwaasoo tababaro Milatari ku soo qaatay dalka ERITREA oo xarun u ah mucaaradka hubaysan ee ETHIOPIA ,waxaana ay ku sii jeedaan dhulka dhanka Waqooyi kaga beegan deegaanka Xariirad, halkaas uga sii gudbayaan gudaha ETHIOPIA ,iyaga oo raacaya buuraleyda Maar-Maar oo ku dhaw xuduuda saddex geesoodka ah ee u dhaxaysa Somaliland , ETHIOPIA iyo Djibouti .

 

 

 

Buulla-cado (maantasomaliland.com) – Wararka ka imanaya deegaan xeebeedka Buulla-cado oo ka tirsan gobolka Selal, ayaa sheegaya in  jidaas ay ka soo degeen ciidamo hubaysan oo ka tirsan jabhada ONLF oo dagaal kula jirta dawlada ETHIOPIA.

 

Ciidanka  jabhada ONLF  oo tiradooda  lagu qiyaasay  dhawr iyo soddon  nin ayaa maanta goor dambe  xeebtaaas ka soo degay,kuwaasoo tababaro  Milatari ku soo qaatay dalka ERITREA oo xarun u ah mucaaradka hubaysan ee ETHIOPIA ,waxaana ay ku sii jeedaan dhulka dhanka Waqooyi kaga beegan deegaanka Xariirad, halkaas uga sii gudbayaan  gudaha ETHIOPIA ,iyaga oo raacaya buuraleyda Maar-Maar oo ku dhaw xuduuda saddex geesoodka ah ee u dhaxaysa Somaliland , ETHIOPIA iyo Djibouti .

 

Qaar ka mida dadka deegaanka ay shabakeda wararka ee maantasomaliland.com la xidhiidhay, ayaa sheegay in ay arkayeen rag  hubaysan oo ku sugnaa xeebta ku dhaw Buulla-cado oo ah deked dabiiciya,kuwaasoo ka soo degayay doon  yar oo  taagnayd gudaha badda.

 

“ Waan arkay niman  hub sitay,laakiin ma xaqiijin karo waxa ay ahaayeen doonbaa  badda taagnayd, meeshan wax kaloo yimaada ciidan la yidhi waa kuwa badda ilaaliya ee Somaliland,laakiin raggaan arkay ma ahayn ciidankii Somaliland waa jabhadii ETHIOPIA la dagaalamaysay ee Ogaadeenka” ayuu yidhi  qof magaciisa  ku soo koobay  Suubane.

 

Dhanka kale taliska xeebaha Galbeedka oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiinayo jabhada la sheegay in ay ka soo degtay xeebtaas, aanay noo suuragelin khadka Telefoonka oo xumaa  awgii.

 

Dabayaaqadii sannadkii 2010-kii yay ahayd markii in ka badan 250 askari oo ka tirsan ONLF ay ka soo degeen xeebta  Buulla-cado,oo kuwaasoo galay gudaha ETHIOPIA ,iyada arrintaas sabab u noqotay in uu wiiqmo xidhiidhka Somaliland iyo dawlada ETHIOPIA .

xasan faarax

buulacado/gobalka salal

maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com