-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay kulan la yeeshay Wasiirka Iskaashiga caalamiga ah ee Britain Andrew Mitchell. Waxana kulankaasi xukuumadda Somaliland ka soo saartay warpsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u dhignaa sidan:-daawo sawirada
Hargeysa -Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay kulan la yeeshay Wasiirka Iskaashiga caalamiga ah ee Britain Andrew Mitchell.
Waxana kulankaasi xukuumadda Somaliland ka soo saartay warpsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u dhignaa sidan:-
“Madaxwaynaha Jamhuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed (Silaanyo) iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa waxa xafiiskiisa ku qaabilay, Wasiirka Iskaashiga Caalamiga Iyo Horumarinta ee Waddanka Ingiriiska, Mudane Andrew Mitchell. Kulankaas oo lagaga wada xaajooday xoojinta xidhiidhka labada waddan, khaasatan sidii kor loogu qaadi lahaa caawimada ay Ingiriisku siiyaan Somaliland. Ingiriisku waxay balanqaadeen inay kor u qaadaan kaalmada ay Somaliland siiyaan. Isagoo Wasiirku xusay in la samayn doono sanduuq kaalmo oo gaar u ah Somaliland. Wasiirka Ingiriiska waxa kulanka ku wehelinayay dhiniciisa madax sare oo ka socota wasaaradiisa.
Madaxwaynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, wuxu dhankiisa uga xog waramay horumarka la taaban karo ee xukuumadiisa u suurto gashay, wuxuna uga mahad celiyay dawlada Ingiriiska kaalmada ay siiso Somaliland. Madaxwaynaha waxa kulankaa ku weheliyay Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibada, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Dr. Maxamed Rashid Sh. Xassan, Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibada, iyo Cali Ahmed Cali, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxwaynaha.
Kulankanu wuxu ku dhamaaday is afgarad iyo sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhka laba Waddan ka dhexeeya.”
xuseen xarbi