Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland oo Khudbad gar-naqsi ah ka jeediyay shirweynihii London+sawiro

Madaxweynaha Somaliland oo Khudbad gar-naqsi ah  ka jeediyay shirweynihii London


London (maantaSomaliland.com)- In ka badan Konton Hogaamiye oo uu ku jiro Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo weftigii qaran ee uu Hoggaaminayay ayaa ka qayb galay Shir balaadhan oo ay dawlada Ingiriisku soo qaban qaabisay kaas oo lagaga hadlay xaaladaha amaan ee dalka aynu dariska nahay ee Somalia kaas oo maanta ku qabsoomay kuna soo gabo-gaboobay galabta Xarunta Lancaster House ee Magaalada London.

Waxa uu Madaxweynaha Somaliland la fadhiisiyay safka hore ee miiska Shirka iyadoo hortiisana ay ugu qornayd Somaliland, Madaxwayne Axmed Siilaanyo wuxuu salaamay Xoghayaha Guud ee Qaramaad Midoobay Ban Ki Moon,Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar. Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ,Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Augustine Mahiga,iyo Hogaamiyayaal aad u tiro badan oo Shirkan ka qayb qaadanayay .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo khudbad ka jeediyay shirkaas galabta ayaa ka waramay Sooyaalkii taariikheed ee Somaliland waxaanu u cadeeyay ergada in Jamhuuriyada Somaliland ay xornimadeeda la soo noqotay muddo labaatan sannadood ka hor ah taas oo ku timid rabitaanka Shacbiga Somaliland waxaanu xusay inay qadarinayaan go’aanka Shacbiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxaa kale oo uu ka hadlay nabadgalyo laga yagleelo dalka aynu dariska nahay ee Somalia ee qalalaasuhu halakeeyay waxaanu hoosta ka xariiqay in xalku aanu ku jirin maamul dusha sare lagaga keeno balse ay aragtida Somaliland tahay in hoosta laga soo unko dib u dhiska Wadanka Somalia iyadoo la raacayo ayuu yidhi qaabkii ay Somaliland wax u samaysatay.

Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) waxa kale oo uu sheegay in aqoonsi Somaliland ay hesho uu wax badan ka qaadan karo degenaanshaha iyo dib u dhiska dawladnimada Somalia.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu si faahfaahsan u sharaxay dariiqa ay Somaliland ku gaadhay horumarka ay ku talaabsatay iyo hirgelinta hanaanka dimuquraadiyadeed iyo doorashooyinka xorta ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu sheegay in Xuduudaha Somaliland ay ku eeg yihiin kuwii laga dhaxlay maxmiyadii ingiriiska ee Xukumayay Somaliland ka hor Lixdankii.

Raysalwasaaraha Ingiriiska david Cameroon Oo marti galiyay Shirkan ayaa hadal uu furitaankiisii ka jeediyay ku bilaabay ayaa tilmaamay in Guusha qorshaha siyaasaddu ay ku xidhan tahay is aaminaad
Ra’isal Wasaare Cameroon waxa uu sheegay in Mauritius iyo Seychelles ay ogolaadeen in ay maxkamadeeyaan budhcad badeeda halka uu xusay in Somaliland-na ay ka ogolaatay in ay xabisto budhcadda la xukumo.
Ra’isal Wasaaraha Ingiriisku waxa uu Waxuu ka haday faa’iidada ay nabadda Somaliland u leedahay Mandaqada iyo sida looga heli karo khibrad.

Sidoo kale Ban Ki Moon, Xoghayaha Qaramada Midoobay oo madashii kulankaasi ka hadlay ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin lagu hagaajinayo ammaanka, isagoo sidoo kale xusay in146 badmaax ay budhcad badeeddu ku haystaan xeebaha soomaalida kuwaas oo intooda badan ka socda dalalka horumaray waxa uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u mahadceliyay dalalka deriska ah la ah Soomaaliya iyo urur goboleedka IGAD sida ay gacan uga gaysanayaan xal u helidda xaaladda geeska afrika.

Xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka Heleri kilintoon ayaa sheegtay inay ka soo hor jeedaan nooc kasta oo argagixa ah oo ka jira dalka Somalia.

Ka sakow Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” iyo Weftiga uu hogaaminayo waxaa kale oo shirkaas ka qayb galay Madaxwaynaha dalka Tanzania, Jakaya Mrisho Kikwete ,Madaxwaynaha dalka Nigeria, Jonathan Goodluck ,Madaxwaynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza,Madaxwayanha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxwaynaha Seychelles, James Michel Madaxwaynaha Uganda, Yuweri Museveni , Madaxwaynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ,Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon, ,Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi Ra’iisul Wasaaraha Mauritius, Dr Navinchandra Ramgoolam .Wasiirka arimaha dibedda Koonfurta Africa Ms Maite Nkoana Mashabane, , Guddoomiyaha AU Jean Ping, Xoghayaha guud ee Ururka Islaamka , Wakiilaka sare ee Midowga Yurub ugu qaabilsan arrimaha dibadda iyo ammmaanka Catherine Ashton.Xoghayaha dibedda Maraykanka, Hilary Clinton, ayaa hadda gashay shirka. , Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Japan Mr Ryuji Yamane Madax isugu jirta madaxwaynayaal, raiisul wasaarayaal, wasiirro iyo Ururo caalami ah.

Shirkan oo fiidnimadii caawa la soo gabo gabeeyay ayaa waxaa ka hadlay xidhitaankiisii Ra’isal wasaaraha dawlada Ingiriiska David Camaroon oo sheegay in Mustaqbalka dheer ee Somalia uu ku xidhan yahay doonitaanka siyaasadeed oo ah in la dhiso dawlad cusub waxaanu xusay inay taageerayaan go’aanka ku saabsan in la soo afjaro hanaanka ku meel gaadhka ah ee Somalia .
Waxaa kale oo Gunaanadkii shirkaas laga soo saaray war murtiyeed ka kooban 26 qodob oo ku wajahan xaalada dalka aynu dariska nahay ee Somalia iyo doorka ay beesha caalamku ka qaadan karto dib u soo celinta nabadgalyo buuxda oo dalkaasi lagu soo dabaalo,la dagaalanka argagixisada iyo arrimo kale.

xuseen  xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com