Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dallada Ururada aan Dawliga ahayn ee SONSAF ayaa maanta kulan balaadhan oo lagu falanqeynayay caqabadaha horyaala sidii looga gudbi lahaa u qabatay Xibiyada/ururada Siyaasadda, Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Ururada Siyaasadda, Garsoorka, Baarlamaanka iyo qaybaha bulshada ee daneeya arrimaha doorashooyinkadaawo sawirada.

 

Hargeysa(maantaSomaliland.com)- Dallada Ururada aan Dawliga ahayn ee SONSAF ayaa maanta kulan balaadhan oo lagu falanqeynayay caqabadaha horyaala sidii looga gudbi lahaa u qabatay Xibiyada/ururada Siyaasadda, Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Ururada Siyaasadda, Garsoorka, Baarlamaanka iyo qaybaha bulshada ee daneeya arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Dallada ururada aan Dawliga ahayn ee SONSAF Prof. Aadan Xaaji Cali oo furitaankii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu fure u yahay mashruuc balaadhan oo ay SONSAF ka qabanayso gobolada dalka oo dhan isla markaana loogu gogol xaadhayo sidii loo qaadi lahaa caqabadaha horyaala Doorashooyinka.

Guddoomiyaha oo ka hadlay waxyaabaha ay kulankan u qabteen wuxuu yidhi “Hawshan aynu saaka isugu nimid waa mid balaadhan oo aanu ka hirgalinayno gobolada oo dhan oo kooxo ayaanu u kala diraynaa, kanina waxa uu noqon doonaa furitaankii. Waxaanu doonaynaa in aynaan ku baraarugin oo kaliya markay dioorashadu ina soo gasho’e inta ka horaysa aynu diyaar garawno, waxaananu halkan idiinku soo bandhigaynaa Xeerarka Doorashooyinka iyo caqabadaha aanu u aragnay inay horyaalaan Doorashooyinka oo loo baahan yahay inay xal ka gaadhno si ay inoogu dhacaan Doorashooyin wanaagsani.”
<

Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta C/risaaaq Ciyaale oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inay hawlo balaadhan qabteen mudadii ay jireen, isla markaana ay u hadhsan tahay kuwo kale oo culayskooda leh.
C/risaaq Ciyaale waxa uu sheegay Guddi ahaan inay diyaarinayaan qorshe suurtogalin doona inay ku so oaf-meeraan hawshooda inta ka horaysa wakhtiga ama ay soo saari doonaan Time line cusub oo hawshaas ay ku soo dhamaystirayaan sida ugu suurtagalsan, isagoo xusay inay u hadhsan tahay sidii ay u soo saari lahaayeen qiimayntii ugu danbaysay ee wajigii labaad ee Ururada buuxiyay shuruudaha ee ka
qayb gali doona tartanka Doorashooyinka.

La-taliyaha arrimaha Madaxweynaha ee Doorashooyinka iyo Xisbiyada Maxamed Muuse Abees oo ayaa isna dhiniciiisa sheegay in Xukuumadda ay ka go’an tahay in wakhtigii loo qabtay Doorashadu ku suurtogasho waxaanu Guddida Diiwaangalinta iyo Ansixinta Ururada iyo Komishanka Doorashooyinka Qarankaba u soo jeediyay inay dhakhso u dhamaystiraan hawlaha Horyaala ee soo saarista Ururada ka qayb galaya Tartanka
iyo farsamaynta qalabka Doorashkooyinka lagu qabanayo-ba.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa isna sheegay inay muhiim tahay qof kasta oo muwaadin ahi inuu helo xaqa uu u leeyahay in la doorto isna uu wax doorto, isagoo soo jeediyay muhiimada ay leedahay in Xeerarka u yaala doorashada la ixtiraaamo si looga badbaado is qabsi iyo muran yimaada xiliga Doorasha ama ka horba

CaliMaxamed Waran-cadde oo ka socday xisbiga UDUB ayaa soo jeediyay in qoddobka ugu muhiim u yahay in Doorashada lagu qabto in qofka mushaharaxa ah toos loo soo doorto waxaanu xusay inay ka soo horjeedaan in liis laga dhigo doorashada Goleyaasha deegaanka.

Sidoo kalena waxa uu Guddida Doorashooyinka Qaranka u soo jeediyay inaanay xiligan ku mar-marsiyoon waraaqaha codaynta ayaan suurtogal ka dhigayn in sided iyo toban Urur ku galaane ay doontaan farsamadeeda oo ay koorasyo u doontaan dawladaha hore u qabtay Doorashooyinka intan ka waaweyn sida Shiinaha oo kale isagoo Doorasho inay dhacdo sal uga dhigay inay ku xidhan tahay Horumarka ay Somaliland gaadhay.

C/Naasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo ka socday xisbiga UDUB ayaa soo jeediyay in loo baahan yahay in dib wax-ka-bedel loogu sameeyo Qodobka Doorashada tooska ka dhigaya waxaanu sheegay mar walba haddii Xeerarka la bedbedelo inay keenayso in halkii uun la taagnaado ee loo daayo sidooda, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in Doorashooyinka wakhtigooda lagu qabto oo aan kolba dib loo dhigin.

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com