Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ibraahin Xuseen Dhegaweyne iyo oo ka mid ah mujaadiniinta SNM islamarkaana iminka ah Gudoomiyaha urur siyaasadeedka UDHIS ayaa sheegay in shirkii dawlada Ingiriisku u qabatey kooxaha awooda Somalilda isku haya ee ka dhacay magaalada London,Daarta Lancester House uu ahaa mid lagaga hadlaayey arimaha Somalida oo aan Somaliland wax dani ugu jiriniyo mujaahid axmed waysacade oo ka mid ah xildhibaanadii kasoo horjeeday in shirka london somaliland dani ugu jirin oo mawqifkiisii ku sii adkaystay.

E-mail
Hargysa,(maantasomaliland)-Ibraahin Xuseen Dhegaweyne oo ka mid ah mujaadiniinta SNM islamarkaana iminka ah Gudoomiyaha urur siyaasadeedka UDHIS ayaa sheegay in shirkii dawlada Ingiriisku u qabatey kooxaha awooda Somalilda isku haya ee ka dhacay magaalada London,Daarta Lancester House uu ahaa mid lagaga hadlaayey arimaha Somalida oo aan Somaliland wax dani ugu jirin.


Mujaahid Dhegaweyne wuxuu sheegay in Somaliland shirka London ka qeyb gashay iyadoo ka mid ah maamul goboleedayada yaryar ee Somaliya ee loo yeedhay ee shirka iska dhegaysanaayey,wuxuuna intaas ku daray in shirka Somali oo dhan loogu talo galay ee aan lagaga hadlin dano Somaliland u gaar ah natiijadii ka soo baxayna wada hadla uun baa inaga khusaysay,wuxuuna mujaahid Ibraahin Dhegaweyne intaas raaciyey in madaxda Somaliya ay metelaayeen Sheekh Shariif iyo raysal wasaarahiisa Cabdiweli.

Mujaahid Dhegaweyne oo ka hadlaayey heshiisyo Siilaanyo soo galay oo ah in maxakamad lagu saari karo Somaliland laguna hayn karo budhcad badeeda  biyaha dalal kale oo aduunka ka mid ah lagu soo qabtay una dhalan Somaliland wuxuu  sheegay inay tahay denbi iyo gef laga gelaayo dalka Somaliland waayo markaad dad ku xidho Somaliland qofkii la xukumaba qof somaliland ah baa loo afduubi doonaa taasna danteena ma aha xukumadaana masuuliyadaas qaadi doonta taas darteed wuxuu cadeeyay inuu ka soo horjeedo in dad aan u dhalan Somaliland lagu maxakamadeeyo laguna hayo jeelasha Somaliland.

Dhinaca kale maruu mujaahid Dhegaweyne  ka hadlaayey musuqmaasuqyadey ku kacdo xukumada Siilaanyo wuxuu sheegay inuu dabarka goostay oo musuqmaasuq xad dhaaf ahi jiro wuxuu kaloo taageeray dhaliilihii musuqmaasuq ee uu dhawaan kashifey Agaasimihii Guud ee Wasaarada Arimaha Debeda ee xilka iska casilay Maxamuud Raage Ibraahin oo soo bandhigay dhaliilo musuqmaasuq oo wasiirka arimaha debeda Maxamed Cabdilaahi Cumar shaqsiyan dul hoganeysa iyo hanti lunsi wasaaraada gudaheeda ka jira.mujaahid Dhegaweynana wuxuu sheegay in musuqaas iyo kuwo kale oo ka  darinaba jiraan loona baahan yahay in la geliyo odhit madax banaan oo arintaas xaqiiijiya.

sidoo kale xildhibaan mujaahid axmed waysa cade oo ahaa xildhibaanadii intaanu madaxwaynuhu tagin shirka ayaa mawqifkiisii ku aadanaa shrkaasi ku sii adkaystay  isagoo sheegay inaanay somaliland wax dani ugu jirin
maantasomaliland.com
hargaysa
rasna maxamedfaarax

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com