Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxwaynaha dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shirkii Soomaliya loogu qabtay London ka dib maanta Muqdisho ku laabtay ayaa sheegay inay wada hadalo la furayaan dawlada Somaliland. Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay si khaldan u turjumay go’aankii ka soo baxay shirka London, kaasi oo sheegayey inay wada hadlaan Somaliland iyo Soomaliya.

Muqdisho (maantasomaliland)  Madaxwaynaha dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shirkii Soomaliya loogu qabtay London ka dib maanta Muqdisho ku laabtay ayaa sheegay inay wada hadalo la furayaan dawlada Somaliland.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay si khaldan u turjumay go’aankii ka soo baxay shirka London, kaasi oo sheegayey inay wada hadlaan Somaliland iyo Soomaliya.

Shariifku waxa uu tilmaamay in wada hadalka ay yeelanayaan Somaliland nuxurkoodu yahay in dib loo mideeyo Soomaliya, isaga oo ku dooday in go’aanka shirka London ka soo baxay aanay kala goynayn Soomaliya.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in madaxda Somaliland ay isku arkeen shirkii London lagu qabtay, ayna sii wadi doonaan wadahadallo ay yeeshaan, isagoo sheegay in qodobka lixaad ee go’aannadii shirkii London lagu xusay in Soomaalidu ay kawada hadlaan mustaqbalkooda siyaasadeed.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in shirkii London uu kusoo dhammaaday guul, qodobbadii kasoo baxayna ay ahaayeen kuwo wax ku ool u ah Soomaalida, lana fulin doono dhammaan qodobbadaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com