Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maamulka Jaamacadda Adis Ababa Medical College Mr. Mengiste Mekeanon Oo Ka Hadlay Heerka Waxbarasho Ee Jaamacada

 

[imageflow id=”1″]By Xuseen Xarbi.

Maamulka Jaamacadda Addis Ababa Medical University College  Mr Mengisite Mekonen oo

aanu shalay xafiiskiisa ku booqdeen wariyeyaal ka tirsan wargeyska Dawan Media Group

ayaa faahfaahin naga siiyay xaalada guud ee waxbarasho iyo maamulka ahaanba.

Maamulaha Jaamacadda Addis Ababa Medical University Collge Mr. Mingiste Makenoon, waxaa

uu ugu horayn sheegay in Jaamacaddan la aasaasay 2009 bishii koowaad oo ay

waxbaerashada furantay ilaa haatana ay si wanaagsan ugu socoto.

Waxaanu sheegay  in ay haatan ardayda wax ka barata Jaamacadu ay gaadhayso 400  (afar

boqol oo arday) waxaana ka hawlgala shaqaale gaadhaya 21  iyo (11) part time Job.

Maamuluhu isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi “Mudadaasi waxa arday ahaan

waxbarashadii dhamaystay (15) arday oo ka qalan jabiyey guud culuunta caafimaadka.

Waxaanu ku rajo weynahay in sanadkan cusub bisha shanaad  ay soo baxaan dhakhaatiir 

fresh ahi oo dalka  iyo dadkaba  wax u qabta oo tiradoodu gaasdhayso 140 arday oo isugu

jira toban nursing ah iyo soddon ah caafimaadka  guud oo qaadan doona shahaadada

digriiga koowaad ee loo yaqaan (Bachelor degree in Science) “BSC”

Mr. Minkiste oo aanu wax ka waydiinay inta xarumood ee ay caasimada Hargeysa ku leeyihiin

ee Jaamacadooda ah  waxaa uu sheegay in ay tahay laba xarumood oo waaweyn oo ku kala

yaalla xarunta guud ee jaamacada oo ah fooqa Sagal Jet iyo xarunta labaad oo ku taal

agagaarka  xafiiska Telesom ee Jigjiga yare e waaxda Koodbuur, dhinaca kale waxa Mr.

Mingiste shaaca ka qaaday inay mustaqbalka dhaw xooga saari doonaan cudufrada

khuseeya dumarka io dhalmadooda iyo xarumo u gaar ah, bilaabi doonaana diiwaangelinta

bisha Abril.

Guntii iyo gabagabadii Mr. Minkiste waxaa uu carabka ku dhuftay in ay leeyihiin (10) toban

xarumood oo sideed ay ku yaalaan Itoobiya (2) labana ay Somaliland yihiin, mustqablka dhowna

ay uga sii gudbi doonaan dalka Suudaan, waxaanay guud  ay ardayda Jaamacada Addis Ababa

Medical  College ay guud ahaan gaadhayaan 9,780, (Sagaal kun toddoba boqol iyo sideetan

marka laysku wada daro tobanka  xarumood eek u kala yaalla Somaliland iyo Itoobiya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com