Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dil Xalay Ka Dhacay Agagaarka Tiyaatarka Magalada Hargeysa iyo Tuugta oo kusoo badanaysa Caasimada Fara baasna ku haysa

Dil Xalay Ka Dhacay Agagaarka Tiyaatarka Magalada Hargeysa iyo Tuugta oo kusoo badanaysa Caasimada Fara baasna ku haysa

Hargeysa (Somaliland-maanta)- Waxa xalay Toori lagu dilay agagaarka tiyaatirka nin dhalinyaro ah oo magaciisa la odhan jiray Marxuum- Guuleed Cabdoo Cadaawe, waxaana la sheegay in ninkii dilay oo ay saaxiib ahaayeen marxuumka uu aabihii keenay.
Sidoo kale, Faadumo Maxamuud Yuusuf, oo ah Hooyo suuqa ku iibin jirtay khudaarta ayaa saaka abaaro 6:00 subaxnimo dhaawacyo culusi soo gaadheen ka dib markii niman tuug ahi weerareen Iyadoo maraysay Biriijka weyn ee badhtamaha magaalada Hargeysa.
Tuugtan ayaa ka Xoogay kiish ay lacagta ku ridan jirtay ka dibna inta ay qabteen ayay ku rideen laag ku taalla biriijka qarkiisa, waxaanay Hooyadaasi ka jabtay Lugta, waxaana la sheegay in lagu dawaynayo cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.
Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Faadumo Maxamuud Yuusuf ay wali kooma ku jirto.
Ciidanka Booliska ayaa la sheegay inay maanta duhurkii soo qabteen laba ka mid ah nimankii tuugta ahaa ee dhaawacyada u geystay haweenaydaasi oo ku noolayd magaalada hargeisa.

Hussein Harbi
Hargeisa Office- Maanta-Somaliland
Harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com