Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Somaliland Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa markii u horeysay daboolka ka qaaday in xukuumadu ay qandaraas ku bixin doonto maamulka haamaha shiidaalka Berbera.
Hargeysa (mantaSomaliland.com)- Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Somaliland Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa markii u horeysay daboolka ka qaaday in xukuumadu ay qandaraas ku bixin doonto maamulka haamaha shiidaalka Berbera.
Wasiirku wuxuu sheegay in maamulka haamaha qandaraas furan lagu bixin doono laga bisha March ee fooda inagu soo haysa isla markaana ay soo dalban karaan shirkadaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba.
Md. C/Risaaq Khaliif Axmed oo ka hadlay maamulka haamaha shiidaalka waxaanu yidhi “22 May 2011-ka waxa soo baxday wareegto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), haamihii shidaalka uu ku hoos keenay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha iyo dalxiiska oo laga wareejinay oo lagu baabiinayey heshiisii hore ee u dhexeeyey dawladda iyo shirkadii Total, sababuhuna ay ahayeen sababo halkooda ka yimi oo wax xumaan iyo wax dhaliila oo aynu ku lahayn aanay jirin. Isla xilligaa madaxweynuhu wuxuu magacaabay guddi ka kooban afar hay’adood oo dawlada ah oo ay wasaaradda ganacsigu ay madax u tahay oo ka kooban wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda qandaraasyadda Qaranka.”
“Guddigaasi waxay muddo waddeen qiimayn iyo tallo-bixin ay ku soo tallo-bixinayaan, xaaladda jirta darteed sidii wax looga qaban lahaa. Iyadda oo arrinta laga duulayo waxa uu madaxweynuhu helay tallo-bixin ay u soo jeediyeen guddiga dajinaysay miisaniyadda dalka oo iyadana siyaasadii guud ee ay ka lahayeen dhinicii dhaqaalaha oo ahayd meelihii ay ka tallo-bixinayeen,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo warshaduhu.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Tallo-bixin ay soo jeediyeen waxa lagu soo saaray siyaasaddii guud ee dawladda ee dhaqaalaha ee sannadkan in haamihii shidaalka ee Berbera in dawladdu maamul ahaan wixii laga qabanayo ay ku wareejiso hay’ad madax-banaan ama ha noqoto mid wadaniya ama ha noqoto mid ajinabiya oo la galayo qandaraas lagu bixiyo arrinta iyada ah.”
“Anaga arrintaasi ka wasaaradd ahaan iyo guddi ahaanba way naga soo dhammaatay qiimaynteedii tallo-bixineedii iyo arrintii qandaraasku intiiba way naga soo dhamaatay oo waxaanu rejaynaynaa si loo gaadho March haddii ILAAHAY idmo bisha inagu soo fooda leh oo beri bilaabmaysaa in hawsha iyada ahi ay bilaabi doonto, ayna suuro-gal tahay oo tartan baa la qabanayaa oo waxa looga baahan yahay heshiiska cidii buuxisa oo haddii ay noqdaan shirkadaheena maxaliga ah oo ciddii ku filan oo hawshan awoodeeda iska leh ay ku filaato oo ay noqoto cidda iyadu xaqa u yeelata,” ayuu yidhi Md. C/Risaaq Khaliif Axmed oo maanta u waramayay Telefishanka Horn Cable TV.
rasna maxamed faarax