Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii qaran ee uu Hoggaaminayay ayaa maanta ka dhoofay madaark a Heathrow ee magaaladda London, ka dib markii ay dhamaysteen socdaalkoodii shaqo ee ay 23-kii bishii la soo dhaafay kaga qeyb galeen shirweynihii caalamiga ahaa ee dawladda Britain u qabatay xal u helida qalalaasaha Soomaaliya iyo dhacdooyinka Saamaynta ku leh manqaqadda.

London (maantaSomaliland.com)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii qaran ee uu Hoggaaminayay ayaa maanta ka dhoofay madaark a Heathrow ee magaaladda London, ka dib markii ay dhamaysteen socdaalkoodii shaqo ee ay 23-kii bishii la soo dhaafay kaga qeyb galeen shirweynihii caalamiga ahaa ee dawladda Britain u qabatay xal u helida qalalaasaha Soomaaliya iyo dhacdooyinka Saamaynta ku leh manqaqadda.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo weftigiisa waxa lagu wadaa inay maalinta bari ku soo guryo noqdaan Somaliland oo ay ka soo degaan madaarka Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud oo ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka London saxaafadda u waramay ayaa sheegay in socdaalkoodii dalka Ingiriisku uu ugu dhammaaday guul, waxaanu u mahad celiyay jaaliyadda Somaliland ee wadanka UK iyo dalalka Yurub ee oo 22-kii bishii January banaan-bax weyn oo lagu taageerayay qaranimadda Somaliland ka dhigay xafiiska raysal wasaaraha Britain hortiisa.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in shirkii London ee ay ka qeyb galeen Somaliland ay uga soo hoyatay guuli ka dib markii meeqaam sare laga siiyay Somaliland oo ay ka mid noqotay 54 dal oo goob joog ka ahaa shirkaasi.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu xusay inay magaaladda London kulamo kala duwan la yeesheen Wasiirrada arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Britain,kuwaasi oo ay ka wada hadleen sidii kor loogu sii qaadi lahaa cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa madaarka ku sii sagootiyay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Britain iyo xubno badan oo ka mid ah qurbo-jooga Somaliland.

Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ah, Wasiirrada Arrimaha dibadda, Warfaafinta, Gaashaan-dhiga, Qorshaynta qaranka, Guddoomiyeyaasha xisbiyadda KULMIYE, UCID, Guddoomiye Ku xigeenka UDUB, Mudaneyaal ka tirsan Goleyaasha baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiiladda iyo marwada koowaad ee Somaliland.

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com