Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaano Ka tirsan G.Barlamaanka oo Soo Dhaweeyay Baadhista Hanti dhawrka

Xildhibaano Ka tirsan G.Barlamaanka oo Soo Dhaweeyay Baadhista Hanti dhawrka ee Laamaha Dawlada ee Gobalka Saaxil ee Caasimadiisa Berbera
Hargeysa (Somaliland-Maanta)- Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Wakiilada iyo deegaanka Berbera ayaa shalay soo dhaweeyay talaabada uu hanti dhawrka guud ku baadhayo laamaha dawlada ee magaalada Berbera iyo gobolka Saaxil.
Mudaneyaashaasi waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Hargeysa. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah mudaneyaasha Aqalka Wakiilada ee laga soo doortay Gobolka Saaxil, oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay baadhista hanti dhawrka guud ka waddo laamaha dawlada ee magaalada Berbera iyo gobolka Saaxil.
Xildhibaanka oo arrintan ka hadlayay wuxuu yidhi “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo hawl galada hanti dhawrka guud ee dalku ay sameeyeen beryahan dambe, waxaanu soo dhawaynayaa kal iyo laab haddii aan ahay Xildhibaan laga soo doortay Gobolka Saaxil hawl galka hanti dhawrka guud uu ku galay ee uu ku baadhayo laamaha dawlada ee gobolka Saaxil. Haddii la yidhaahdo hantidii ummadda cidii lunsatay yaan la baadhin. Taas macnaheedu waxa weeye qofka sidaasi u hadlayaa waa qaran dumis. Waxaan leeyahay ha la soo dhaweeyo hanti dhawrka oo hawshiisa faraha ha looga qaado.”
Md. Maxamed Faarax Qabille, wuxuu sheegay in shacbiga Somaliland ay soo dhawaynayaan baadhista hanti dhawrka waxaanu yidhi “Aragtidan qabaa waa reer Saaxil waa dad ilbax ah waa dad iyagu u baahnaa hirgelinta sharciga, waxay ahaayeen dad qaba haraad qaranimo sharciga ku shaqaynaya. Gacan ciddi ma siinayso cid hanti ummaddeed cuntay.”
Xildhibaanku wuxuu ka hadlay hadal ka soo yeedhay qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgardka Gabilay oo ku baaqay in xukuumaddu ay ka joojiso gobolkaasi baadhis hanti dhawrku ka wado Hayadaha dawlada waxaanu yidhi “Anigoo shacbiga reer Gabilay aad u jecel waxaan ka xumahay ka soo yeedhay hadalka odayaashii maalin dhawayd ka soo yeedhay ee ay yidhaahdeen hanti dhawrka Gabilay ha laga daayo. Waxaan leeyahay arrintaasi waxay ka dhigan tahay qaran dhan oo xidida loo saaray.”
Xildhibaan Cawad Cali Suggulle, oo isna ka tirsan Golaha deegaanka ee degmada Berbera ayaa soo dhaweeyay baadhista hanti dhawrka oo uu ku tilmaamay tallaabo ay muddo sideed sanadood ah u jeelanayeen isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Muddo siddeed sanadood ah oo aanu ka tirsanayn Golaha deegaanka Berbera waxa na ragaadiyay oo meel aanu ka marno waynay inta marka uu waraaqaha kala furo ayay dawlada sare la soo hadli jiray oo ay ku amri jirtay inuu dib u soo noqdo.”
“In hantidii ummadda la daba galo oo wax la is weydiiyo waa wax ILAAHAY loogu mahad naqo waana wixii aynu doorashada u galay. Waxaanu maalmihii la soo dhaafay maqlaynay Maayarkayaga oo ka hawl galayay sidii uu isu hortaagi lahaa hawshan hanti dhawrku wado.dhaqdhaqaaqa hanti dhawrku waa talaabo reer Berbera u oomanaayeen,”ayuu yidhi M,d Cawad Cali Sugulle.
Hussein Harbi
Hargeisa Office- Maanta-Somaliland
Harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com