Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay socdaalkii ay ku tageen dalka Britain.+sawiradii madaarka

(maantaSomaliland.com)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay socdaalkii ay ku tageen dalka Britain.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud waxa madaarka Hargeysa si weyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiin uu Hoggaaminayay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Rxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirro, Xildhibaano, Maareeyeyaal iyo dadweyne tiro badan. Madaxweynuhu wuxuu madaarka salaan sharaf kaga qaatay cutub ka tirsan ciidanka qaranka.
<

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ugu waramayay Saxaafadda ayaa ka hadlay socdaalkiisii oo uu ku dooday inuu ugu soo dhammaaday guul, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Arrimaha lagu soo qaadayay Shirkii London dabcan waa lagu soo qaadayay arrimaha Soomaaliya, waa laga waramay in mustaqbalka Somalia iyo Somaliland wada hadlaan. Waxaanu u qaadanaynay ma aha in Somalia oo la isku noqonayo ma aha. Somaliland oo qadiyadeeda haddii ay horeyso iyo dambaysaba goonideeda u go’an weeye oo siday tahay u sheegaysa oo u soo bandhigaysa dunida iyo cidii timaadaba.”

“Shirarkaas aanu ka qeyb galay qadiyadda Somaliland ayaanu soo bandhignay, mudaharaadkii aanu u soo baxnay iyo taageeradaasi badan ee aanu ka helay Guddo iyo dibadba. Waxaanu aragnay dawladdo faro badan oo kala gooni gooni ah oo aan xidhiidh la yeelanay. Waxaan leeyahay shirkaasi caam ahaan wuxuu ahaa shir aad iyo aad u faa’iido badan,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha oo ka hadlayay kulamo ay la yeesheen dawladda Ingiriiska wuxuu yidhi “Dawladda Ingiriiska oo iyaduba marka horeba balan qaaday inaanu is arag gooniya yeelan doono, iyaguna mucaawimooyin badan oo wax ku ool ah ayay balan qaadeen oo ay u fidin doonaan Somaliland Haddii ALLE ka dhigo. Waxaanu is aragnay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo wasiirka qaabilsan mucaawimooyinka. Markaa caam ahaan marka la soo koobo waxaan odhanayaa shirkaasi wuxuu ahaa mid aad loogu soo guulaystay oo aad Somaliland u soo bandhigtay danaheeda, waxyaabaha ay qabsatay iyo aayaha mustaqbalka ay rabto.”

Wasiirka Arrimaha dibadda Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay weftigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay la kulmeen wufuud faro badan oo ay ka mid ahayd dawladdaha Turkiga,Denmark,Holland iyo Madaxweynaha dalka Siishalis, waxaanu xusay inuu madaxweynuhu dhammaantood kala hadlay sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka ka dhaxeeya Somaliland iyo wadamadooda.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo hadalkiisii sii watay wuxuu yidhi “Dawladda Turkiga wuxuu madaxweynuhu kala hadlay baahidda Somaliland u qabto inuu Turkigu gacan ka geysto baahiyaha xagga horumarka ee dalkeena, waxaana la isku afgartay in wefti ka socda dalka Turkigu uu dhawaan Somaliland yimaado oo ay qiimayn ku sameeyaan baahiyaha ugu waaweyn ay wax ka qabtaan. Ka dibna Turkigu wuxuu nagu marti-qaaday in wefti ka socda Somaliland ay tagaan dalkaasi. Turkigu mashaariic badan ayay ka wadaan Soomaaliya mashaariicdaasi qaar la mid ah ay ka fuliyaan Somaliland.”
Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay in Madaxweynaha iyo weftigiisu ay kulamo noocan oo kale ah la yeesheen Swizerland, Holland iyo wadamo kaleba.

Dr. Maxamed Cabdilaahi wuxuu intaasi ku daray inay weftigii Madaxweynuhu ay dukumanti ku gudbiyeen warbixin dheer oo la xidhiidhay rabitaanka shacbiga Somaliland.

Intaasi ka dib waxa madaxweynaha la weydiiyay su’aal ahayd inay dawlad ahaan u qorshaysan tahay inay la kulmaan Dawlada TFG-da Soomaliya, yayse haboon inay idin dhex joogaan, waxaanu yidhi “Horta taasi wali maanu gaadhin cida aanu la hadli doono Dawlad kasta oo timaadda oo Soomaaliya ah, kala hadli mayno sidii ay Somalia isku raaci lahayd, haddii wada hadal yimaado waxaanu kala hadli doonaa waxay noqonaysaa sidii ay iskaashi labada dawladood iyagoo kala madax banaan u samaysan lahaayeen.”

“Dawladda iyo dalka Somaliland madax-banaanidiisa cid aanu marti uga nahay ama aanu weydiisanaynaa ma jirto,laakiin wixii mandaqada ee nabad-gelyo ku saabsan ee wax kale ku saabsan ama iyagu (Soomaaliya) nooga baahdaan ee gedi socodka nabadda la xidhiidha iyo sidii ay Somaliland nabadda u dhalisay oo dunidu had iyo goor nagu dhiiri geliso inaanu ku caawino Soomaaliya. Sidaasi ayay noqonaysaa waxa laga wada hadlayaa,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu markii uu soo gaadhay agagaarka cisbitaalka Guud ee Hargeysa ayuu gaadhigii ka degay ayuu socod ku tagay xarunta madaxyooyadda iyadoo aanay xataa wehelin wax askar ah oo sidaasi u badani.

Madaxweynaha waxa maanta weheliyay Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

maantasomaliland.com

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com