Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

-Wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta Somaliland ayaa maanta shahaado sharaf gudoon siisay Mustafe Maxamed Nuur (Dheereeye) oo ka mid ah Sawir qaadayaasha Telefishanka qaranka Somaliland oo ka mid ahaa weftiga reer Somaliland ah oo qayb ka mid ah ciidamo maamulka Puntland ahi ku afduubeen duleedka degmada Taleex ee gobolka Sool sannadkii hore.

 

Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta Somaliland ayaa maanta shahaado sharaf gudoon siisay Mustafe Maxamed Nuur (Dheereeye) oo ka mid ah Sawir qaadayaasha Telefishanka qaranka Somaliland oo ka mid ahaa weftiga reer Somaliland ah oo qayb ka mid ah ciidamo maamulka Puntland ahi ku afduubeen duleedka degmada Taleex ee gobolka Sool sannadkii hore.

Wariye Mustafe Dheereeye oo ka mid ahaa shakhsiyaadka ka badbaaday weerarka Maleeshiyaadka Puntland ku afduubeen masuuliyiin reer Somaliland ah oo qaar ka mid ahi ku dhinteen rasaas ay ku rideen maleeshiyaadkaasi ayaa shahaadadan la guddoonsiiyay ahayd doorkii uu ku lahaa soo tabinta dhacdadaasi oo ahayd mid fool xun oo ay ku kaceen ciidamada Puntland.

Mustafe Maxamed Nuur (Dheereeye) oo hadda cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa u jiifa dhaawac ka soo gaadhay shilbaabuur oo laba bilood ka hor ka dhacay Magaaladda Hargeysa ayaa shahaado sharaftan lagu maamusay lagu dhex guddoonsiiyay cusbitaalka guud.

Xafladii shahaado sharafta lagu siiyay ayaa waxa ka soo qayb-galay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Faysal Cali Sheekh Maxamed, Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ahaa weftiga ka badbaaday weerarka Puntland ku soo qaadeen masuuliyiintaasi reer Somaliland, isla-markaana ahaa masuulka uu wariyahani gaadhigiisa saarnaa wakhtiga weerarkani dhacay.

Xafladaasi oo sidoo kale ay goob-joog ka ahaayeen inta badan hawl-wadeenada Telefiishanka qaranka iyo xubnaha saxaafada madaxa-banaan ee Somaliland ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Faysal Cali Sheekh Maxamed waxaanu wax ka tilmaamay shakhsiyada Mustafe Dheereeye oo uu ku tilmaamay shakhsi hawlkar ah oo aad ugu dhaga nugul masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta.

Faysal Cali Sheekh waxa uu ahaa sheegay in Mustafe Dheereeye uu isagu raaciyey weftiga la afduubay, isaga oo tilmaamay in markii uu shaqadaasi u dirayey uu ku qaabilay niyad-samaan isla-markaana uu markiiba raacay.

Agaasimuhu waxa uu xusay in Mustafe yahay Sawir qaade iyo Wariye inta badan loo diro meelaha halista ah, isaguna uu si kalsooni leh uu shaqadaasi u gutto isaga oo ixtiraamaya masuuliyada shaqada ka saran.

Saleebaan Cali Koore oo isaguna ka mid ahaa mudanayaasha golaha wakiilada, ahaana masuulkii waday gaadhiga ay ku badbaadeen, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Mustafe oo ahaa Wariye ka tagay Magaaladda Hargeysa, halka weerarku ka dhacayna ahayd meel Hargeysa u jirta mastaafo 750KM ah aan laga dareemayn cabsi, balse wakhtigaa uu isagu hagayey gaadhiga, taasina ay muujisay kalsoonida iyo hal-adeygnimadiisa, sidaa daraadeedna uu isagu go’aansaday in shahaado sharaf uu ku maamuuso.

Munaasibadan oo sidoo kale ay kalmado ka soo jeediyeen xubno ka mid ah warbaahinta madaxa-banaan iyo masuuliyiinta telefiishanka qaranka oo uu ka mid yahay Xuseen Cabdilaahi Deeqsi ayaa waxa isaguna kalmado kooban ka sheegay agaasimaha idaacadda Radio Hargeysa.

Ugu dambayn, waxa isaguna halkaasi kalmado Mahadnaq ah ka soo jeediyay Wariye Mustafe Maxamed Nuur (Dheereeye) oo halkaasi lagu guddoonsiiyay shahaado sharafta iyo qadar lacageed oo loogu tallo-galay inuu wixii baahidiisa ah ku qabsado.

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com