Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa ku hawlan sidii uu u buuxin lahaa Jagooyin ka banaan Xukuumadiisa isla markaana uu qaar ka mid ah xubnaha xukuumadiisa u bedeli lahaa, qaarkood-na uu iskugu badali lahaa. Waxa xarunta Madaxtooyadda laga dareemayay xalay dhaqdhaqaaq xoogan oo ay wadeen qaar ka mid ah Wasiiradda Xukuumadda ku jira, Beelo iyo Salaadiin kuwaasoo ujeedooyin kala duwan u socday,

 Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa ku hawlan sidii uu u buuxin lahaa Jagooyin ka banaan Xukuumadiisa isla markaana uu qaar ka mid ah xubnaha xukuumadiisa u bedeli lahaa, qaarkood-na uu iskugu badali lahaa. Waxa xarunta Madaxtooyadda laga dareemayay xalay dhaqdhaqaaq xoogan oo ay wadeen qaar ka mid ah Wasiiradda Xukuumadda ku jira, Beelo iyo Salaadiin kuwaasoo ujeedooyin kala duwan u socday, inkastoo sida la sheegay ay ugu waynayd dareenka laga qabo in Madaxweynuhu ku talaabsan doono Rishafal guud oo uu xukuumaddiisa ku samaynayo. Ma cada jagooyinka iyo masuuliyiinta ay arrintani saamayn doonto hase yeeshee waxa jirta cabsi ay qabaan qaar badan oo ka mid ah xubnaha Wasiiradda ah, Agaasimayaal, Taliyayaal iyo Saraakiil kale, waxaana meelaha imika banana ee in la buuxiyo u banana ka mid ah sadex Agaasime Guud oo banana kuwaas oo kala Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga, Arrimaha Dibeda iyo Diinta iyo Aw-qaafta. Sidoo kale waxa jira Wasiiro badan oo laga yaabo inaya sahayato seefta taagan ee uu Madaxweyne Siilaanyo la soo noqday, waxaana wasaaradaha la hadal hayo ka mid ah Wasaaradaha Ciyaaraha, Qorshaynta, Maaliyadda, Waxbarashada, Kalluumaysiga, Gaashaandhiga, Arrimaha Dibeda, Waxbarashada, Wasaaradda Arrimaha Qoyska, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibeda, Boosha iyo Isgaadhsiinta iyo kuwo kale oo wali qarsoon. Wasaaradahan ayaa la filayaa in qaarkood la isku bedelo, qaarkood-na la Eryo ama meelo kale oo ku haboon loo dhiibo, hase yeeshee waxa uu wali Madaxweyne Siilaanyo ku mashquulsan yahay qaabka iyo Nidaamka ay isku qaadan karaan Saamaiga Beelaha iyo Aqoonta dadka danbe ee uu doonayo inuu Cugto ama magacaabayo. Talaabadan ayaa in badan la hadal hayay intaanu tagin shirkii Ingiriiska hase yeeshee waxa kale oo soo kordhay sida la sheegay culays badan oo qurbajoogta kaga yimi kuwaasoo dhaliilo badan u soo jeediyay Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana farta ugu soo fiiqay meelaha ay ka soo buraqanayaana Cabashooyinka ugu badani. Waxa durtaba suuqa soo galaya in tartan iyo loolan adag loogu jiro Kuraasta la filayo inay banayn doonaan Wasiirada aynu soo xusnay kuwaasoo qaarkood ay noqon doonaan wajiyo cusub sida Raaqiya Oomaar oo kale oo la filayo inay ku soo biirto Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Sidoo kale waxa la filayaa in Gobolka Gabilay, Sool iyo Sanaagba loo magacaabo wasiir cusub, halka laga yaabo beelo hore u haystay sad-buursiimo laga qaado. Sidoo kale Taliyayaasha Ciidamadda Qaranka ayaa laga yaabaa in midkood Reer Awdal dib loogu magacaabo sidii ay hore u ahaan jirtay maadaama Taliyihii Ciidanka Booliisku xaalad Caafimaad dalka kaga maqan yahay. Maaha oo kaliya dhaaqdhaqaaqa xalay mashquuliyay Madaxtooyadda’e waxa iyana taladeeda lagu jiray xaalada Goboladda Barri oo ay shalay uun ka hadleen qaar ka mid ah Madax dhaqameedka Somaliland, kuwaasoo iyana xalay Madaxtooyadda u joogay sidii looga midho dhalin lahaa. Si kasta ha ahaatee waxa laga dhur-sugayaa talaabada u u Madaxweyne Siilaanyo qaado wakhtigan oo ay jiraan xaalado badan oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabtaa. Gaar ahaana dhinacyada Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaaluhu.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com