Urur-siyaasadeedka SSCD oo ka mid ah ururrada isdiwaangeliyey, ayaa shalay xaruunta xafiiskiisa ka furtay magaalada Hargeysa, gaar ahaan degmada Ibraahim Kood-buur. Furitaanka xafiiskan, waxa ka qaybgalay masuuliyiinta ururka iyo boqolaal ka mid ah taageerayaashiisa.
Hargeysa (maantasomaliland.com) Urur-siyaasadeedka SSCD oo ka mid ah ururrada isdiwaangeliyey, ayaa shalay xaruunta xafiiskiisa ka furtay magaalada Hargeysa, gaar ahaan degmada Ibraahim Kood-buur.
Furitaanka xafiiskan, waxa ka qaybgalay masuuliyiinta ururka iyo boqolaal ka mid ah taageerayaashiisa.
Guddoomiyaha ururka SSCD Mr. Keyse Cabdi Yuusuf oo xadhigga ka jaray xafiiskan looga talin doono ururka, ayaa faahfaahin ka bixiyey barnaamijkooda siyaasadeed oo uu sheegay in uu yahay mid fududayn doona xal u helida dhibaatooyinka iyo colaadaha ka aloosan gobollada bari, isaga oo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu baaqay in ciidammada qaranka dib loo soo raro.
“Ururkayagu markii hore waxa uu ahaa urur dagaal, hadduu ururkan ahaa mid dagaal xaq-darro kumanaan dagaalamayn, waxaannu ka dagaalamaynay waxay ahayd waxaynu wada leenahay oo naga maqan oo aan gar iyo gole toona laga yeelan, haddii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo baaq soo jeediyey, ururkayagani baaqaasu ka faa’iidaystay.
Ururkan sida magaca ku cad Somaliland sinaan iyo caddaalad, waxaannu jecelnahay wixii aannu ku tabasho bixi lahayn in uu ururkan noqdo.
Aniga waxay ila tahay Dhulbahante, Warsangali iyo beelo badan oo darafyada Somaliland bay ka mid yihiin, Somalilandna qabiil lama yidhaa ee waa qaran, ka raba inuu qabiil noqdo ee Daaroodnimo ka hadlaya, Daaroodku wuxuu macne yeelanaya markaan xaqayga iyo xuquuqdayda Somaliland ka helo, Madaxweynahana waxaan ka codsanayaa inuu ciidammada dib u soo qaado oo maxaabiistii dagaalka lagu qabtay la sii daayo, si loo sii daayo kuwa kale ee xaggaa Buuhoodle lagu haysto, waxaannu madaxweynaha u sheegaynaa dadka tabashadooda horumar la’aanba u sabab ah,” ayuu yidhi Keyse Yuusuf.
Mr. Keyse Yuusuf, waxa uu sheegay in ururkoodu uu yahay urur Somaliland oo dhan ka kooban, una bannaan yahay cid kasta oo hoggaanka ku tartamaysa, isaga oo ugu baaqay beelaha degaanka Buuhoodle ka soo jeeda in ka soo qaybgalaan siyaasadda oo ay joojiyaan colaadaha.
Mr. Cismaan Xuseen Gurxan (Kalash) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa xusay in Khaatumo iyo Atom ay wada socdaan, isaga oo tilmaamay in labadooduba nabadda iyo xasiloonida ku lid yihiin, waxaannu yidhi;“Ururkan waa urur u baahan taageerada shacabka reer Somaliland, haddaannu nahay qoladayada Dhulbahante maanta noo kow ah urur aanaan dadka la lahayn furno. Markii ururkayagii SSC uu ka baxay dagaalkii ee uu siyaasadda iyo dimuqraadiyada qaatay, waxa nalaga soo daba-raray wax la yidhaahdo Khaatumo, adduunyadana waxaannu u sheegayna in Atom iyo Khaatumo wada socdaan oo ay ku lid yihiin xasiloonida Somaliland.”