Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dawladda ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ayaa burisay wareegto uu Madaxweynaha dalkaasi Sh. Shariif Sh. Axmed laba maalmood ka hor ku shaaciyay

Muqdisho (MAANTASomaliland.COM)- Dawladda ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ayaa burisay wareegto uu Madaxweynaha dalkaasi Sh. Shariif Sh. Axmed laba maalmood ka hor ku shaaciyay inuu aqoonsaday maamul ku sheega khaatumo-seeg ee Cali Khaliif Galaydh.

Dawladda ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ayaa burisay wareegto uu Madaxweynaha dalkaasi Sh. Shariif Sh. Axmed laba maalmood ka hor ku shaaciyay inuu aqoonsaday maamul ku sheega khaatumo-seeg ee Cali Khaliif Galaydh.

Wareegtadda Madaxweynaha dawladda xilkeedu gabaabsiga yahay ee TFG-da Soomaaliya, ayaa lagu sheegay inaanay waafaqsanayn dastuurka dalkaasi iyo xeerarka kale ee u yaala, sidaasi darteedna laga noqday go’aankaasi, waxaana sidaasi lagu sheegay wareegto maanta uu soo saaray ku simaha Raysal Wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka Beeraha iyo xanaanadda xoolaha Maxamed Maxamuud Ibraahim.

Waxa wareegtan lagu sheegay inaanay qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya aanu waafaqsanayn dawlad-goboleedyo cusub oo la sameeyo, waxaanay arrintani waji-gabax ku noqonaysaa Shariif Sh. Axmed oo ah siyaasi aan waayo aragnimo u lahayd dublamaasiyadda iyo dawladnimadda midnaba.

Wareegtadda Ku simaha Raysal wasaaruhu waxay u dhignayd sidan:-

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com