Magaalada Berbera waxa ilaa maalintii shalay soo gaadhayay madax dhaqameedyo tiro badan ka soo kicitimay Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera,
Bebera (MAANTASOMALILAND) Magaalada Berbera waxa ilaa maalintii shalay soo gaadhayay madax dhaqameedyo tiro badan ka soo kicitimay Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera,kuwaasoo ku hawlan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay warshada shamiitada samaysa oo laga dhisayo meel u dhaw wershadihii hore ee sibidhka.
Madax-dhaqameeyadan ayaa maanta bilaabay kulamo ay la yeelanayaan odayaasha reer Bebera sidii xiisad oo cirka isku shareertay toddobaadkan hoos loogu dhigi lahaa, si looga hortago khilaaf ganacsi oo ka dilaaca Magaalada Berbera oo ah xudunta dhaqaalaha Somaliland,laakiin shirarka socda ayaan la ogayn wax la isla meeldhigay ilaa hadda ,iyada oo dadweynuhu u dhag taagayaan waxa soo bixi doona.
Weftiga ka tagay Magaalada Hargeysa oo u hogaaminayay Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac oo ah guddoomiyaha guddi beesha Sacad Muuse doortay ee sannadkii hore, ayaa xalay shirar doceedyo aan saxaafada loo ogaan la yeeshay guddida loo xilsaaray wada xaajoodka mushkilada taagan oo uu hogaamiye u yahay ganacsade Xaaji Muuse Xirsi ( Muuse Dalab), waxaana ay labada dhinac isku afgarteen muranka jira lagu dhameeyo wadahadalo.
Dhanka kale wefti ka yimid Magaalada Burco oo ka koobnaa Sallaadiin iyo ganacsato oo maanta gaadhay Magaalada Berbera ilaa wakhtigan madaxda beesha Berbera la leh kulamo joogto ah oo aan weli lagu dhawaaqin natiijadooda.