Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta xilkii ka qaaday sadex masuul

Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday sadex masuul oo oo uu ka mid yahay badhasaabkii gobalka hargaysa maroodijeex mr xamarje oo uu sheegay inay faraha kula jireen eedo musuqmaasuq oo ku saabsan raashin mucaawimo ah oo la leexsanayay.

Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday sadex masuul oo dawladda ka tirsan oo uu sheegay inay faraha kula jireen eedo musuqmaasuq oo ku saabsan raashin mucaawimo ah oo la leexsanayay.

Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Af-hayeenka madaxtooyadda, waxaanu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Degreeto madaxweyne oo numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-949/032012 xilalkii ay hayeen kaga qaaday.

1. Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex, Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji)

2. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta,Mudane, Axmed
Cilmi Barre

3. La-taliyihii Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane, Cismaan
Siciid Jaamac,
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland markii uu ku qancay in madaxdaasi ay faraha kula jireen eedo musuq-maasaq oo ka dhashay raashin mucaawimo ah oo la leexsanayey.

Waxa uu go’aansaday in laga bilaabo maanta uu ka qaaday xilalkii ay hayeen sadeexdaasi masuul.

Sidaa darteedna, waxa maanta laga bilaabo xilalkii ay hayeen si ku meel gaadha u sii hayn doona

1. Xilkii gudoomiyaha Gobolka Marooji-jeex waxa sii hayndoona Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.

2. xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta waxaa sii hayndoona Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta.”

xuseen xarbi

maantasomaliland.com

harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com