Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka hadlay Masuuliyiinta la xidhay
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo ka hadlay Masuuliyiinta la xidhay oo kala ahaa Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje), Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Dibu-dejinta Axmed Cilmi Yare iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cismaan Siciid.
Hargeysa (maantaSomaliland. com) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici..
Masuuliyiinta la xidhay ayaa kala ahaa Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje), Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Dibu-dejinta Axmed Cilmi Yare iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cismaan Siciid.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo maanta u waramayay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da, waxa uu sheegay in masuuliyiintan lagu xidhay sababo la xidhiidha Eedo musuqmaasuq oo ka dhashay Raashin loo
qaybinayey dad masaakiin ah oo ay leexsadeen, loona iib geeyey Suuqa.Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu intaasi ku daray in ay wakhtigan ku xidhan yihiin xarunta dabi baadhista CID-da ee
magaaladda Hargeysa. Mudane Saylici waxa uu xusay in sadexdan masuul ee la xidhay la baadhayo danbigoodda.
Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu sheegay haddii lagu helayo eedaha loo soo jeediyay sadexdan xubnood in maxkamadda
sharciga la horkeeni doono, haddii lagu waayana xoriyadoodii loo soo celin doono.
rasna maxamed faarax