Wasiirka Cusub ee Maaliyadda oo Istiqaaladiisii Xubinimadda Baaralamaanka u Qadimay
[list type=”check”]
- ADD_LIST_CONTENT
- ADD_LIST_CONTENT
[/list]
Hargeysa (mantaSomaliland.com)- Wasiirka cusub ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. C/Casiis Maxamed Samaalle, ayaa maanta iska casilay xilkii Guddoomiye ku xigeenkii koowaad iyo Xubinimaddii Golaha Wakiiladaba.
Wasiirka cusub ee Maaliyaddu wuxuu Golaha Wakiiladda ka dalbaday inay ka aqblaan iscasilaadiisa, sida uu ku sheegay qoraal kooban oo uu u qoray Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-
“Anigoo ah Md. C/Casiis Maxamed Samaalle inaan maanta oo arbaca ah oo taariikhdu tahay 14.03.2012 iska casilay xilkii Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo xubinimaddii Golahaba.
“Waxaan Golaha ka rajaynayaa inay aqbali doonaan iscasilaadayda.”
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa sheegay inay istiqaaladdan u gudbin doonaan Goleweynaha Wakiila