Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirweynihii 5aad ee Dallada Dhalinyara Somaliland ee Sonyo oo maanta Furmay.

Shirweynihii 5aad ee Dallada Dhalinyara Somaliland ee Sonyo oo maanta Furmay.

Shirweynahan waxa lagu casuumay oo ka soo qaybgelay Madaxweyne Ku Xigeenka………….

Hargaysa(Maanta Somaliuland):-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Eng. C/raxman C/laahi Ismaciil ( Saylici) ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynihii 5aad ee Dallada Dhalinyarada ee Somaliland SONYO waxanu shirkaasi ka furmay Hotel Ambasodor ee maglada Hargeysa.
Shirweynahan waxa lagu casuumay oo ka soo qaybgelay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Dhalinyarada, ciyaaraha iyo dhaqan Maxamed Ibraahim Madar, Guddoomiyaha xisbiga Siyaasiga ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga Kulmiye Cabdirxaan Cabdiqaadir, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanka Mustafe Maxamed Qodax, Agaasimaha Shaqada iyo arrimaha bulshade Baashe Axmed Yuusuf, Madaxa Baratakoolka Madaxtooyada Maxamed Cilmi, wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha maxamed siciid mux’med Guddomiyaha Hay’adda ADHO Faadumo siciid , Marti sharaf kale iyo ergooyinka dallada iyo dadweyne aad u tiro badan.
Mudada u socon doono oo ah laba maalmood ayaa waxa lagu soo dooran doonaa guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ee labada sano ee soo socda, Guddida Fulinta ee Sonyo..
Ugu horeyn guddoomiyaha xilka ka sii degaya ee Dallada Dhalinyarada reer Somaliland Md. Yaxye Maxamuud Axmed (Ubaxle), oo halkaas hadal dheer ka jeediyey ayaa waxa uu ka waramay heerarkii kala duwan ee uu soo maray Dallada Sonyo waxaanu tilmaamay in ay guulo la taaban karo gaadheen, isaga oo hoosta ka xarigay in ay ku guleysteen in ay hanaan maamul oo adag ay sameeyan.
Guddoomiyaha ayaa xubnaha ku tartamaya doorashada u soo jeediyay in aanay marnaba ka tagin xeerka iyo dhaqanka wanaagsan ee ururka Sonyo ay leeyahay ee ah in marka qof guulaysto lala shaqeeyo oo qofkii laga badiyeyna uu la shaqeeyo, ergooyinkana waxa uu ka codsaday in inkasta oo ay la kala safan yihiin murashaxiinta haddana aanay ilaabin wanaaga iyo walaaltinimada dhexdooda oo ay ilaaliyaan hanaanka iyo wadshaqeeynta Sonyo ku caanno maashay.
“Waxa aan aad ugu faraxsanahay sida fiican ee ay masuuliyiinta xukuumadda oo ugu horeeyo Madaxweynuhu u soo ajiibeen codsigayagii ahaa in ay nagala soo qayb galaan shirweynaha, waxa kale oo aan iyagana u mahadnaqayaa madaxda xisbiyada Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo waliba Wasiirkii hore ee dhalinyarada iyo ciyaaraha.” Ayuu yidhi mar uu u mahadnaqayay xubnihii miisaanka lahaa ee kala soo qayb galay shirweynaha.
Guddoomiye Yaxye Maxamuud Axmed Ubaxle, mar uu la hadlayay ergooyinka waxa uu yidhi “Waa la wada ogyahay in ergooyinka ay la kala safan yihiin dhinacyada tartamaya, waxa aan inoo caado ahayd in marka ay doorashadu ina dhaafto waa in la ina arkaa inaga oo gacmaha is haysana oo aanay waxba inaga xumayn” ayuu yidhi Guddoomiyaha xilka ka sii degaya ee ururka Dhalinyaradda Dallada Sonyo.
Waxa uu xasuusiyay guddoonka cusub ee doorashada ka dib iyaga bedeli doonaa in aanay hawshu yarayn ee ay ka horeeyaan dhadhaab iyo dhagax dixeed u baahan in si farsamo leh loo jabiyaa waxaanu yidhi “Xubnaha na bedeli doona waxa aanu u sheegaynaa in aanay hawshu sahlanayn, waxa aad maanka ku haysaan in marka aad xilka ka dagtaana ay xisaabi meesha taalo wixii aad qabateen la idin waydiino.
Waxa aan jeclahay in aan u mahadnaqo xildhibaanada, iyo waliba shaqaalaha dallada oo runtii si fiican noola shaqeeyay waxaanan leeyahay kuwa dambe ee iman doonana waa in aad sidaas iyo si ka fiican ula shaqaysaan.”
Guddoomiyaha xilka ka sii degaya ee Dallada Dhalinyarada Sonyo Yaxye Maxamuud Axmed Ubaxle waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabo badan oo ay soo qabteen, waxaanu u rajeeyay guddoonka cusub ee la dooran doono in ay halkaas ka sii wadi doonaan hawlaha qabyada ka ah ururka.
Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Wasiirkii Hore ee dhalinyarada iyo ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed, waxaanu xukuumadda cusub ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku canaantay in aanay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha meeqaamkii ay lahayd siinin waxaanu yidhi “Marka hore waxa aan u mahadnaqayaa dhalinyaradda Sonyo oo runtii aan isu arko in aniguna ka mid ahay, xukuumadda cusub waxa aan leeyahay waa in Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Miisaaniyadda loo kordhiya si uu wasiirka iyo masuuliyiinta kale hawlaha ay dhalinyaradu uga baahato loogu fuliyo”
Waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha ka taagan kalshaale iyo deegaamo kale “Runtii waxa gobolada bariga ka soo yeedhaya warar aan fiicnayn, waxa aanu xukuumadda leenahay waa in si dawladnimo ay ku jirto looga hadlo, oo loo galo si aynu u hanano dawladnimadeena.” Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland.
Wasiirkii dhalinyarada, Ciyaaraha iyo dhaqanka Axmed Ibraahim Madar, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay wax badan qaban doonan ogyihiina baahiyaha haysta dhalinyarada reer Somaliland isaga oo tilmaamy in dalkaasta uu ku dhisan yahay Dhalinyarada u soo kacaysa waxanu aad u Amaanay dallada sonyo hananka dumuqradiyadaha ee ay wax u doorto waxa kale oo uu xusay in uu maqlay loolanka adag ee ka dhexe tagan Sonyo oo lagu yidhi soo kala dhexegal balse uu xusay in aanu soo dhexe galynin oo ay dantooda iyo ahayhooda ay iyagu dhammaystaan waxanu yidhi “Waan u mahad-naqayaa dhamaanba dhalinyaradan maanta sida dimuqraadiga ah u soo agaasimay shirkoodan, waxaanan leeyahay waa arrin wax lagaga dayan karo, runtii dallada Sonyo iyo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha waxa ka dhaxeeya xidhiidh, waxanan leeyahay saaxiibkay Maxamuud Siciid (Wasiirkii hore ee ciyaaraha) nin baa maalin anaga oo faro badan na wacdiyay isaguna waxa uu ahaa nin meel ksta aduunka soo maray oo wax kasta sameeyay, waxaanu nagu yidhi waar salaada tukada, dabadeedna waxa aanu ku nidhi adeer haddii aad adiguba na wacdiday sidaas ayaanu hunuunsanahay marka haddii wasiirkii hore uu nala dartamay dee waxaan leeyhay sidaasanu ku hanuunsanahy.” Ayuu yiidhi.
Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Dawlad wanaag Axmed Muxumed Madar, waxaanu SHeegay in loo bahan yahaycin la soo saaro xeer ku saabsan Qofka dhalinyarada ahi goorta uu ka baxayo dhalinyaro nimada, waxanu reer somaliland ku canaantay in anay u bilwanayn qofka dhaliyarada da’da lagu sheegi karo dhalinyaronimo, waxanu aad uga cudurdaartay in wakhtigan, lagu sheego dhalinyaronimo, waxanu hoosta ka xariiqay in tan iyo intii uu jiray halgan ku jiray si uu hogaanka dalka u qabto, balse uu manta isaga oo da’ ah xil loo dhiibay, taana uu aad uga xunyahay, waxanu dhalinyarada u soo jeediyey in ay marka ay yaryihiin ee wax ay qaban karaan doonta Xilka balse aany doonan marka ay weynaadan.

Waxa kale oo iyaduna halkaasi ka hadashay Guddomiyaha Hay’adda ADHO Faadumo Siciid Waxayna aad ugu nuxnuxstay sida ugu fiican ee dhalinyarada somaliland loo barbarin karro, waxa kale oo ay tilmaamtay in ay iyada iyo Boobe yuusuf ducale ay dhalinyarada la aasaseen Uruurkan dhalinyarada reer Somaliland, maantan uu meel dumqurdiyadiisa laga dayn karo uu marayo, waxa kale oo ay sheegtay in ay bilaabayso Tartan Orodka maaratoonka ah kaasi oo dhici doona Sannadka Cusub, waxayna sheegtay in laga soo Ordidoono Maqaxida inanta ilaa Beerta Xoriyada ee Badhtamaha Hargeysa, waxa kale oo ay Xustay in ay bilaabayso Tartankii Dabaasha Badda, kaasi oo lagu qaban doono badda Berbera, Waxana ku tartamidoona ayey tidhi Hargeysa iyo Berbera.

Hussein Harbi
Maanta-Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com