Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maayarka Caasimada Oo Shaaca Ka Qaaday Lacago Is Biirsaday Oo Kaga Maqan Dawlada Dhexe

Maayarka Caasimada Oo Shaaca Ka Qaaday Lacago Is Biirsaday Oo Kaga Maqan Dawlada Dhexe, Meel Ka Dhacna Ku Tilmaamay In Faro Galin Lagu Sameeyo Hanti-Dhawrka Guud
tilmaamayna in kharashaadka ay ku dhiseen jidadka caasimada ay ku suurto galiyeen bilihii August

Maayarka caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa sheegay in dawlada dhexe ay ku leeyihiin lacagtii kabka ahayd muddo todoba bilood ah aan la siinin, isagoo intaa ku daray in lacagtaa kabka ahayd loogu sheegay in dawladii hore casaysay, tilmaamayna in kharashaadka ay ku dhiseen jidadka caasimada ay ku suurto galiyeen bilihii August
iyo September oo la siiyay iyo dakhliga soo gala dawlada Hoose.
Maayarku waxa kale oo uu sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan jidka boqol iyo kontonka ee degmada 26-ka June iyo Gacan-Libaax isku xidha kana dhigi doonaan jid Laami ah oo uu sheegay in kharash dhan 120 Milyan ay u diyaariyeen hir galintiisa, isagoo dhinaca kalena cadeeyay in si cilmiyaysan ay u samayn doonaan Ishaarooyinkii kala hagi jiray Gaadiidka ee meelaha isgoysyada ah oo muddo sideed sanadood gaadhaysa aan shaqaynin, isla markaana qalfoofkoodii oo kali ahi sii muuqdaan.
Maayarka caasimada oo aanu xalay khadka Telefoonka xog waran khaas ah Haatuf kula yeeshay ayaa sidoo kale beeniyay inuu wax faro galin ah ku sameeyay kooxdii Hanti-dhawrka guud ee baadhista ka waday Gabiley.
Waraysigaas oo uu sidoo kale kaga hadlay amaanka caasimada iyo mushkiladihii dhulka ayaa ugu horeyn Maayar Jiciir oo ka hadlaya eedaha Saxaafada qaarkood uga soo jeediyeen baadhista Hanti-dhawrka guud ee gobolka Gabiley, wuxu yidhi “Wax faro galin ah oo aan ku sameeyay baadhista Hanti-dhawrka guud ka waday Gabiley ma jirto, socdaal aan ku tagay Gabileyna ma jiro haba yaraatee ma jirto, cida faafisay dacaayadaha raqiiska ahna garan maayo halka ay ka keeneen, in la yidhaahdo Hanti-dhawrka guud ee madaxbanaan cidbaa faro galin ku samaysay waajibaadkoodana waxay ku tahay meel ka dhac iyo xad gudub, Hanti-dhawrka guud hawlwadenaadoodana cid aan iska naqaana ma jirto marka laga reebo masuulka sare mooye”
Mar aanu weydiinay jidadka waaweyn ee caasimada ee rafka ah, in Laami ay ka dhigayaan iyo jidka xaafada Xero-awr ee bulshadu mudaharaadyada ka muujiyeen dhamays tirkiisa, waxa u yidhi “Ilaa 350 Mitir ayaanu Daamurkii soo dhignay dhawr maalimood ayaana lagu dhamays tirayaa, jidadka hor mara Maqaamka Sheekh Madar iyo jidka Saldhiga Kood buurna Daamurkii ayaa u hadhsan todobaadkan ayaa la dhigayaa, jidka weyn ee 150-kana lacag dhan 120 Milyan ayaan u dhigay, Sarfaygiisiibaa hadda la wadaa oo waanu bilaabaynaa, waxaanu ka soo bilaabaynaa Geerashka Aw Aadan ee degmada Gacan-libaax ee cidhifka bari waxaanu wadaynaa ilaa Hote Maansoor laba Km ayaanu labada dhinac ka soo kala wadaynaa, waxaanu is gaadhsiinaynaa degmooyinka Kood-buur iyo 26-ka June lacagtiina waan u baas gareeyay, meelbaanan un dhigay.
Mar aanu weydiinay in jidadka caasimada ay samaytooda ku dhiiradeen muddadii ay xilka la wareegtay xukuumad madaxweyne Siillaanyo, waxa u yidhi “Runtii hawshan dib u dhiska jidadku muddo dheer ayaanu wadnay, jidad intan ka badana waanu ka farxalan lahayn, lacagtii kabka nalama siin muddo todoba bilooda imika se waxay na siiyeen Julay mooye August iyo September soo gashay ayaanu ku sii bilawnay todobaadkan. Dawladii hore ayaa casaysay oo todoba bilood oo kab ah ayaanu hadda ku leenahay wasaarada Maaliyada, intaa yare e ay na siiyeen iyo wixii na soo galay ayaanu ku bilawnay oo waxa noo suurto galiyay khrashkii oo aanu yaraynay oo jidkii ay ku bixi lahayd lacag dhan $ 100,000 ayaanu ku samaynay lacag $ 40,000 ilaa $ 50,000 ah markaa wey kuu dhib yaraanaysaa inaad jidad badan samayso runtiina anagaa samaynay oo maamul ahaan isku tashanay, hadii aanu lacagtaa kabka ah heli lahayna jidad intan ka badan ayaanu suurto galin lahayn.
Mar aanu weydiinay heerka ay marayso mushkiladii dhulka ee iska hor imaadyadu ka dhici jiree, waxa u yidhi “Mushkiladii dhulku wey naga dhamaatay sidii loo sameeyay guddidan Maxkamada degmada ee lagu daray sharcigii dhulka, intii guddidaa dacwada dhulka la sameeyay oo ka koobaan wasaarada Hawlaha guud, Beeraha, Arrimaha gudaha, dawlada Hoose iyo Maxkamada guddidaas ayaa imika Maxkamadii dhulka ah, Maxakamda sare ayaana toos loogu gudbiyaa cida dhulka ku murmaysaa lacag badana waa lagu xidhaa si ay u yaraato dacwadaha dhulka la isku qabsado. Xaafadaha waa tii aanu u samaynay guddiyo Nabad galyada u xil saaran, haddana waxaanu doonaynaa inaau tabeelayaashii xaafadaha u soo samayno, 250-kii qoysba aanu u samayno guddi amaankooda ilaaliya si loo ogaado cida ku soo korodha xaafada iyo cida soo degtaba.
mar aanu weydiinay waxa uga qorshaysan Ishaarooyinkii jidadka magaalada ee gaadiidka kala hagi jiray xiliyadi Cawl Cilmi Cabdale oo muddo sideed sanadood ah aan shaqayn, isla markaana la fadhataystay aaladahoodii, waxa u yidhi “Runtii gaadiidka iyo wadooyinkii ayaa kala badan, markaa waxa loo baahan yahay in la helo qalab afarta haad ee isgoyskaba hal mar kala haga inaanu si cilmiyaysan u samayno oo marka hore daraasad lagu soo sameeyo.

Hussein Harbi
Somaliland Maanta

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com