Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukumada Somaliland Oo Soo Bandhigtay Maanta Lacago Foojariya Oo Ciidanka Boolisku Ka Soo Qabteen Suuqyada Caasimada Iyo Taliye Cilmi Kabaal Oo Digniin U Diray

Xukumada Somaliland Oo Soo Bandhigtay Maanta Lacago Foojariya Oo Ciidanka Boolisku Ka Soo Qabteen Suuqyada Caasimada Iyo Taliye Cilmi Kabaal Oo Digniin U Diray Shakhsiyaad Faraha Kula Jira Falalka Noocan Oo Kale Ah.

Hargeysa (Maant-Somaliland) Dec, 27. 2010- Xukumada Somaliland, ayaa maanta soo bandhigtay lacag foojari oo dad cadow ku ah xasiloonida ka jirta Somaliland, isla markaana ku doonayey in ay ku wax yeeleeyaan nabadgeliyada iyo kala dambaynta ka jirta Jamhuuriyada Somaliland.

Shir jaraa’id oo ay maanta si wada jir ah ugu qabteen xarunta taliska guud ee ciidamada bilayska Somaliland ee caasimada Hargeysa, taliyaha ciidanka booliska Gen Cilmi Rooble Furre [Cilmi Kabaal] iyo gudoomiyaha baanka dhexe Md Cabdi Dirir Cabdi, ayey masuuliyiintani ku sheegeen in lacagtan ay suuqyada caasimada ka soo qabteen hawlgal ay ciidan boolisku sameeyeen, iyagoo saxaafada u soo bandhigay noocyada ay ka kooban tahay lacagta foojariga ah. Taasoo isagu jirtay lacagaha Somaliland Shilling-ka, Birta Itoobiya iyo Dollarka Maraykanka.

Taliyaha ciidanka booliska iyo guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, Waxa ay sheegeen in uu socdo baadhitaan la xidhiidha arrintaasi, iyadoo lagu daba jiro cidii dalka soo galisay lacagtaas, taasoo ay sheegeen marka la soo gabagabeeyo baadhitaankana tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falalkan.

Guddoomiyaha baanka iyo taliyaha guud ee ciidanka amaanka dalku, waxa ay aad ugu mahad celiyeen ciidanka booliska Somaliland oo ku guulaystay in ay soo qabtaan lacagtan, oo la doonayay in lagu khal-khalgaliyo dhaqaalaha iyo xasiloonida ka tisqaaday Somaliland, taasoo ay tilmaameen in ay cadowga Somaliland mar kasta aad uga xun yihiin, iyagoo wakhti waliba ku hamiyeya sidii ay xasiloonida Somaliland u dhaawici lahaayeen.

Md Dirir Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, ayaa isagu uga digay guud ahaan shacabka reer Somaliland isticmaalka lacagaha faalsada ah, isaga oo u soo jeediyey inay foojignaan dheeraad ah u yeeshaan lacagaha ay kala qaadanayaan, isla markaana ay ciidanka amaanka la soo socodsiiyaan cid kasta oo ay ku arkaan inay hayso lacagahan faalsada ah.

Ugu dambayntii Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Gen Furre, ayaa isagu halkaas ka sheegay in ciidanka amaanka dalku diyaar u yihiin habeen iyo maalinba, sidii ay gacan ugu dhigi lahaayeen cid kasta oo looga shakiyo ama damacsan inay nabadgeliyada shacabka reer Somaliland samaysteen doonaysa inay burburiso, isagoo ugu baaqay inay ka waantoobaan shakhsiyaadka iyagu faraha kula jira falalka noocan oo kale ah.

Hussein Harbi

Maanta Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com