Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay inuu Chief of Cabinetka Xilka ka qaadayo,

Madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay inuu Chief of Cabinetka Xilka ka qaadayo, Sifirna u magacaabayo Wasiirka Madaxtooyadda

Xulashada Siilaanyo ee Sifir ayaa la sheegayaa inay tahay arrin uu u arko inuu wax kaga bedeli doono

Warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu wado qorshe uu xilka kaga qaadayo Chief of Cabinetka Madaxtooyadda Xirsi X Cali Xasan isla markaana uu ku magacaabayo Wasaarad cusub oo Madaxtooyadu yeelato oo lagu wado inuu wasiir uga dhigo Maxamud C/laahi Jaamac Sifir.
Qorshahan uu Madaxweynuhu maagan yahay inuu labadaas masuul xilka ugu kala qaado ayaa la sheegay inay ahayd xeelad muddo badan soo jiitamaysay, taasoo Madaxweynuhu in badan ku doonayay inuu helo meel uu kaga baxsado eedaha loogu soo jeediyay jagada Chief of Cabinetka oo ay dadka reer Somaliland fahmi waayeen Macnaha ay jagadaasi leedahay oo aan Nidaamka Dawladeed ee dalka meelna ka soo galin.
Arrintani waxay soo shaac baxday tan iyo intii uu Sifir dalka ku soo laabtay ee Madaxweyne Siilaanyana Cafiska ugu fidiyay isagoo muddo badan ku hawlanaa dibin-daabyada Qaranimadda Somaliland, isla markaana uu ku hawlanaa dhismaha Dawladda Midnimadda Somaliyeed oo ah cadawga kowaad ee Somaliland. Oo xilal muhiim ahna ka soo qabtay maamuladii kala danbeeyay ee ay Qaramada Midoobay Soomaliya u soo dhiseen
Ilaa hada Madaxweyne Siilaanyo si rasmi ah ugumuu dhawaaqin arrintan hase yeeshee waxa ay dadka ka faalooda Arrimaha Siyaasadda ee ku dhaw dhaw Madaxtooyadu si weyn u hadal hayaan in Qorshahani soo if-bixi doono wakhti dhaw, iyadoo durtaba Suuqa la soo galiyay Hordhaceeda si ay dadka dhegahoodu ula sii qabsadaan oo aanay anfariir ku noqon sidii Chief of Cabinetka oo kale.
Xulashada Siilaanyo ee Sifir ayaa la sheegayaa inay tahay arrin uu u arko inuu wax kaga bedeli doono hawlaha culus ee horyaal, kuwaasoo uu u arko inuu yahay Siyaasi galangal badan leh oo dalka Gudihiisa iyo dibediisaba wax uga qaban kara isla markaana ka leexin kara ra’yul caamka ka soo horjeeda Xilka Chief of Cabinetka oo ay dadweynaha iyo Siyaasiyiintuba u arkayeen mid qaldan.
hussein harbi
hargeisa
maantasomaliland
harbi_31@hotmail.com
office hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com