Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidamada qaranka oo la sheegay in ay ku ruqaansadeen Tuulada xadka ee Tuka-raq iyo Puntland oo

Ciidamada qaranka oo la sheegay in ay ku ruqaansadeen Tuulada xadka ee Tuka-raq iyo Puntland oo ciidamo u soo dirtay Buuhoodle.

Waxa La Sheegay In Ciidanka Puntland Uu Wato Dayr Iska Toos Oo Ka Mid Ahaa Maxaabiistii…………

(maantasomaliland)- Ciidamada Qaranka Somaliland ee jiida hore ee Gambadha ee Sool fadhigoodu ahaa ayaa la sheegay inay shalay u ruqaansadeen tuulada Tuka-raq ee xuduuda Somaliland iyo Puntland, halkaas oo la sheegay in saldhig ay ka samaysteen.
Ilo xogogaal ah oo aanu ka helay deegaanka gobolka Sool ayaa noo xaqiijiyey, in ciidamada qaranka Somaliland oo ku gaashaaman hubka culus ay isku balaadhiyeen xuduudaha bariga Somaliland iyo deegaanada xuduuda ku siman.
Dhinaca kale ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helay xalay degmada Buuhoodle ayaa wariyahayaga maantasomaliland ee magalaadas noo soo xaqiijiyey in ciidamo ka socda Maamul goboleedka Puntland oo uu hogaaminayo Col. Dayr Iska Toos, oo ka mid ahaa maxaabiistii dagaal ee lagu soo qabtay dagaalkii ciidamada qaranka iyo maleeshiyada Puntland ee dabayaaqadii 2008-kii ku dhex maray tuulada Bali-hadhac ee la cafiyey, markii dambe ay soo gaadheen shalay galab degmada Buuhoodle, taasoo tibaaxuhu sheegeen inay ka soo kicitimeen ciidamadaasi magaalada Garoowe ee Puntland, iyadoo dhinaca kalena la sheegay, in ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugnaa deegaanka Maygaagle ee nawaaxiga Buuhoodle ay heegan culus galeen, ka dib markii ay ka war heleen ciidamada Puntland ka yimid, si feejigana isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqyada ciidanka Puntland ay deegaankaasi ka wado.
Wararka ka imanaya deegaanada bariga Sanaag ayaa sidoo kale shabakada warerka ee maantasomaliland khadka telefoonka ugu sheegay, in ciidamo ka socda Puntland ay soo dageen tuulada ceeleeyo oo qiyaastii dhinaca bari uga jirta magaalada Laasqoray 130-Km, iyagoo wararkuna intaa ku daraya, in xalay ay ciidamada Puntland iyo Kooxda Atam ee ka dagaalanta buuralayda Galgala ee bariga Sanaag ay hubka hoobiyaha isku adeegsadeen dagaal Madaafiica oo xalay dhex maray.
Hase yeeshee ciidamada qaranka Somaliland ayaa dhinacooda la sheegay in si weyn ay isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqyada Puntland
hussein harbi
hargeisa
maantasomaliland.com
office hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com