Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maxkamadda Gobolka Sanaag Oo Soo Gabagabaysay Kiis 17 Sanno Socday

Maxkamada gobolka Sanaag ayaa xal ka gaadhay kiis dil ah oo muddo todoba iyo toban sanno ah xal iyo maare loo waayey, waxaana kiiskaasi soo gunaanaday oo xukun ka gaadhay garsoore Sharmaake Faarax Ismaaciil.

Garsoore Sharmaake Faarax Ismaaciil oo ka hadlayay xukunka ay ka gaadheen kiiskaasi dilka ah oo dhacay sannadkii 2001, ayaa sheegay in labada qoys kiiskaasi dhex yaalay shalay loo kala qaaday, isla markaana la kala guddoonsiiyay magtii marxuumka dhintay.

Garsoore Sharmaake Faarax Ismaaciil, oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aynu kala guddoonsinaynaa magtii marxuum Faarax Cismaan Axmed, loona sheeganaayey marxuum Cabdi Axmed Cali oo dilku dhacay sannadkii 2001-kii, illaa muddadana uu ku jiray maxkamaddah dalka. Illahay qadarkii maanta (shalay) uun bay noqotay fulintii in ay dhacdo.”

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag, Ismaaciil Cabdi Xasan ayaa deegaanka Ceelqoray ee duleedka degmada Ceerigaabo diyada magta ugu kala wareejiyey labada ardaa, waxana uu yidhi isaga oo arrintaasi ka hadlayay “Waxaynu iskugu nimid in aynu wareejino diyada marxuum Faarax Cismaan Axmed, diyadaas oo muddo badan maqnayd, ayaan maanta wareejinayaa. Dilkaas oo dhacay sannadkii 2001-kii, maxkamadda hawsha ku guulaystayna khayr badan ayaan u rajaynayaa.”

Guddoomiye ku xigeenku waxa uu intaasi raaciyay “Waxaa la guddoonsinaya dhinaca marxuum Faarax Cismaan Axmed shan iyo labaatan Geel ah, waxana guddoonsinaaya dhinacii kale oo uu jooga jiif caaqilka guud Jaamac Ismaaciil Muuse iyo caaqil Cismaan Xirsi Cali.

Dhinaca jiif caaqil Jaamac Ismaaciil Muuse ayaa jiif caaqil Cismaan Xirsi Cali guddoonsiiyey shan iyo labaatan halaad iyo cadad lacageed oo lagu qiimeyey inta hadhay magta marxuumka.”

Bahda garsoorka ee dalka oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka ayaa maalmihii ugu dambeeyay dadaal weyn ugu jiray sidii loo soo afjari lahaa kiisaska muddada dheer soo jiitamaayey.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com