Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

shir lagu falanqeenayo sidii tacliinta sare nidaam lagu horumariyo loogu samayn lahaa

Hargeysa
December 28th, 2010

(maanta somaliland)- shir lagu falanqeenayo sidii tacliinta sare nidaam lagu horumariyo loogu samayn lahaa uga furtay Huteelka Maasoor ee magaalada Hargeysa masuuliyiinta 17 Jaamacadood oo ka mid ah Jaamacadaha u diwaan gashan Wasaaradaasi. Wasiirka Wasaarada qorshaynta iyo xidhiidhka caalamiga ah Md. Sacad Cali Shire oo ka hadlay ka hadlay furitaankii shirkaasi ayaa sheegay in baahi loo qabay shirka noocan oo kale ah waxaanu yidhi “Shirkan waxa soo qaban qaabisay wasaaradda Waxbarashada qeybta Tacliinta sare ujeedadiisuna waxay ahayd in laga wada hadlo xaalada waxbarashada sare ee dalku marayso iyo sidii loo horumarin lahaa waxyaabaha ka dhiman. Waxaan ka hadlayaa doorka jaamacadduhu ay ku leeyihiin dalka. Inkasta oo Jaamacaddo badani jiraan oo dawladduna taageerto haddana halkii laga filayay may gaadhin duruufo badan awgood. Waa in la fududeeyaa lana hufaa qaabka waxbarista ardayda ee jaamacadaha dalka. Jamaacadaheenu waa qaar gaar ah ardaydana lacag ayaa laga qaadaa. Waxa dhici karta carruur faro badan oo waxbarashada ku fiican hase yeeshee ka yimid qoysas sabool ah oo aan awoodi Karin. Markaa waxa dawlada looga baahan yahay inay ardaydaasi ka taageerto habkii ay ku heli lahaayeen tacliinta sare.” “Waa in jaamacadduhu inay culayska saaraan oo ay sameeyaan cilmi baadhisyo badan oo dalka anfaca,”ayuu yidhi Wasiirka Qorshaytu. Agaasimaha Guud ee tacliinta sare ee wasaarada Waxbarashada Khadar Axmed Diiriye oo isna ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay in shirkan uu muddo laba maalmood ah socon doono waxaanu tilmaamay inay iska kaashadeen waaxda tacliinta sare Hayada SCFBT. Waxaanu ka waramay sida loogu baahan yahay in nidaam horumarineed loo sameeyo “Waxa shirkan aanu ku soo casuumay aqoon yahano badan oo qurbo joog ah iyo kuwo dalka gudihiisa ku sugan waxaana lagaga hadlayaa sidii nidaam loogu samayn lahaa tacliinta sare ee Somaliland.waxaanu beryahanba aanu ku gudo jirnay qorshe lagu horumarinayo tacliinta sare ee dalka,”ayuu yidhi Khadar Axmed Diiriye. Waxa kale oo shirkaasi ka hadlay Ku Simaha Wasiirka Wasaarada Waxbarashada ahna Wasiir Ku Xigeenka wasaaradaasi Md. Cali Xaamud Jibriil oo isagu si rasmi ah u furay shirkan waxaanu u soo jeediyay ka qeyb galeyaashii shirkan inay darsaan qaabka loo horumarin karo jaamacadaha dalka. Waxa uu amaan u soo jeediyay waaxda tacliinta sare oo shirkan soo agaasintay.
husseen harbi
hargeisa office
maanta somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com