Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

XUKUUMADA OO DIB U SOO CELISAY GUDIDII NABADGELYADA

XUKUUMADA OO DIB U SOO CELISAY GUDIDII NABADGELYADA,WAXAANA MAANTA MANDHEERA LOO DIRAY 148 MAXBUUS OO LAGA KALA QAADAY SALDHIGA DHEXE IYO SALDHIGA NEW HARGEISA

Dec 29 12 2010
Xukumadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u soo celisay xeerkii xukunka deg deg ahaa ee lagu qaadi jiray dadka amaanka qaranka wax u dhimaaya, madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xukunkaasi laalay markii uu dalka qabsaday, taasi oo ka danbaysay in uu aad ugu soo ololeeyay in uu xeerkaasi xukunka deg deg ahi uu yahay mid xaaraan ah isla markaasna aan waafaqsanyn dastuurka dalka u yaala isga oo in badan xeerkaasi ku dhaliili jiray xukumadii isga ka horaysay, ayaa waxa uu ku guulaystay in gabi ahaanba tir tiro xeerkaasi xukunka deg deg ah.
Hadaba kulan dheer oo ay wada qaateen wasiirka arimah gudaha taliyaha ciidanka booliska badhisaabka gobolka maroodijeex iyo madax sar sare oo xukumada ka tirsani ayaa waxa ay daboolka ka qaadeen in xeerkii xukunka deg deg ahaa lagu fuliyo wax alaale iyo waxii amniga dalka khal khal galinaaya, taasi oo uu madaxweynaa Somaliland mudane Siilaanyana uu u riyaaqay isla markaasina uu saxeexay in xeerkii xukunka deg dega ahaa dib loo soo celiyo laguna fuliyo tuugta wareerisay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo ay ugu horayso caasimada Hargysa, sidaasina lagu soo celiyay gudigii hore loo baabiiyay.
Magaalada Hargysa ayaa waxa ka dhacay dilal dhaawacyo, boob iyo khal khalin amaan oo aan la arag tan iyo mudo dheer, taasi oo ay sabab u ahayd xukumada cusub oo aan ka fiirsan talaabadii ay ku mamnuucday xeerkii xukunka deg dega ahaa ee ay mamnuucday kaasi oo ay maanta soo celisay iyada oo xukunkaasi maanta lagu fuliyay 148 maxbuus oo maanta loo dhaadhaciyay xabsiga Madheera, tuugtani ayaa ilaa habayn hore ay ciidamada booliska iyo kuwa CID-ay ugaadhsanyeen iyada oo dib loo soo hawl galiyay ciidamadii markii hore amniga sugi jiray oo hore loogu wargaliyay in ayna qaban karin waxii tuugtani oo kale ah iyada oo la fulinaayo mamnuucistii ay xukumada Siiilaanyo mamnuucday xukunka xeerka deg dega ah.
Xisbiga Kulmiye ee dalka qabsaday ayaanay jirin wax meel uga yaalay guud ahaanba sida dalka loo maamuli doono hadii ay dalka ku guulaystaan, taasi oo markii ay ku guulysteen qaawisay maamulka madaxweyne Siilaanyo markii uu talaabadii uu isyidhaa qaadba uu gudi u saaray, taasi oo wali ka taagan qaybaha faraha badan ee xukumadiisa, una baahan in xukumadii hore waxyaabahii ay wax ku maamuli jirtay qaarkood dib loo soo qaato, taasi oo ay shicibweynaha Somaliland ay maanta wada dareesanyihiin in xukumadii tagtay ay ahayd mid ka khibrad iyo waayo argnimo badan tan hada.
Caawa oo aanu dhex marnay badhatamaha magaalada Hargysa iyo xaafadaha kala gadisan ee magaalada ayaa waxa laga dareemayaa amni ka duwan kii xalay, islaan ka mid ah dadka danyarta ah ayaa noo sheegtay in ay kaadi tagi kari wayday habaynada qaarkood oo tuugtu ay meelo badan oo iyaga ku hareeraysan ay jabsanaayeen, mar hadii amnigii la inoo soo celinaayo hooyo waxa aanu leenahay waad mahadsantihiin sidaasi waxa qaran news u sheegtay islaan aad u da’weyn oo ku nool mid ka mid ah xaafdaha magaalada Hargysa, oo magaceeda noogu sheegtay Faadumo Xuseen.
Sidoo kale bacdalayaasha iyo dukaamada waaweyn ee magaalada Hargysa oo aanu caawa wax ka waydiinay ayaa noo sheegay in ay ilaa maanta dareemeen isbedel weyn in kasta oo la odhan karo ayay yidhaahdeen in aanay caadigeedii ku soo noqon hadana waa wax looga fadhiyo xukumadan cusub in ay amniga sugto, waxa ayna sheegeen in ganacsigoodii uu hoos u dhacay iyada oo ay dadkii ka dukaansan jiray ay ka baqayaan in la laayo ama la boobo..

Hussein harbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com