Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyaha Cusub ee loo soo magacaabay gobolka Gabiley Taliye Axamed Maxamuud Guutaale oo isaguna ka hadlay

Cali Case waxaa kale oo uu ka waramay in taliyaha iyo ku xigeenka xilka laga qaaday ahaayeen laba nin oo bilaa balwad ahaa markastana usoo jeeday ilaalinta nabad galyada guud ahaan gobolka Gabiley, isagoo Bashasaab ku xigeenku si kooban uga waramay waxyaabo faro badan oo ay soo wada qabteen tan iyo intii ay wada shaqaynayeen kuwa cusubna kula dardaarmay inay xil wayn iska saaraan sidii ay usii kordhin lahaayeen hawlaha illaalinta amniga qaranka isagoo ugu danbayntiina illaahay uga barayay inuu u fududeeyo xilka ay u qaadeen qaranka Somaliland.

Taliyihii hore ee gobolka Gabiley Maxamed Faarax Nuur oo isaguna munaasibadaasi hadalo kooban kasoo jeediyay ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo taliyaha cusb isagoo ugu baaqay taliyayaasha booliiska ee degmooyinka gobolkana inay la shaqeeyaan taliyaha cusub ee loo soo magacaabay.

Taliyaha Cusub ee loo soo magacaabay gobolka Gabiley Taliye Axamed Maxamuud Guutaale oo isaguna ka hadlay munaasibada uu xilka kula wareegayay ayaa isaguna halkaasi uga mahad celiyay masuuliyiinta gobolka iyo taliyaha uu xilka kala wareegayo sida qiimaha badan uu ugu wareejiyay isagoo halkaasi ka balan qaaday inuu halkii kasii balanqaadi doono hawlihii ciidanka booliiska sidii ay wax wayn uga qaban lahaayeen xaalada amaanka gobolka Gabiley oo uu ku sheegay inuu yahay gobolka ugu amniga badan gobolada Somaliland.

Cismaan Iidle Saleebaan hogaamiye ku xigeenka gaadiidka ciidanka booliiska oo ayaa isaguna ka waramay faa,idooyinka ay bulshada iyo wadanka u leedahay isku bedbedelka hogaamada ciidanka booliiska isagoo sheegay isagoo labada taliyaba illaahay uga barayay inuu ku asturo xilka iyo masuuliyada illaalinta amniga qaranka ay u hayaan.

Bedelka Taliyaha ciidanka qaranka ayaan la garanayn waxa keenay illaa iyo hada iyadoo dadka intooda badani ay u aanaynayaan khilaaf dhawaan hadheeyay gobolka Gabiley oo ay sabobeen hanti dhawr baadhitaan ka waday gobolka Gabiley bilihii ugu danbeeyey, kaasi oo ay amreen in shaqaalaha dawlada hoose qaar lasoo xidhxidho iyadoo booliisku hawl galo ay sameeyeen aanay ku guulaysan inay soo qabqabtaan danbiilayaasha la raadinayay.

huss

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com