Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maayarka Baligubadle oo Lagu Eedeeyay Fadeexado musuqmaasuq iyo Lunsi Hanti Qaran

Maayarka Baligubadle oo Lagu Eedeeyay Fadeexado musuqmaasuq iyo Lunsi Hanti Qaran
December 29th, 2010

Baligubadle – Maayarka Degmada Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd Colaad Jaamac, ayaa lagu eedeeyay fadeexado musuqmaasuq iyo cashuuro ka soo xarooday Tuulooyinka Degmadaas oo uu ku-tukri-falay.
Musuqmaasuqa lagu eedeeyay Maayarka Baligubadle, ayaa soo sababay mushahar la’aan soo foodsaartay shaqaalaha Dawladda Hoose muddo dhawr bilood ah, sida uu ku soo waramay wariyahayaga Gobolka Hawd Axmed Maxamed Cawaale.
Shaqaalaha Dawladda Hoose, ayaa Maayarka ku eedeeyey in uu lunsaday malaayiin shilin oo ka mid ah dakhliga cashuuraha ee ka soo xarooday Tuulooyinka Degmada in uu jeebada ku shubtay Maayarku.
“Wax mushahara maanu qaadan muddo dhawr bilood ah, shilinka noo soo xaroodana waxa sida dhufatada u lunsanaya Maayarka Degmada Baligubadle,arrintaasina waxay nagu yeelatay saamayn nololeed oo adag,” ayuu yidhi mid ka mid ah shaqaalaha Dawladda Hoose oo dalbaday in aan magaciisa la shaacin.
Dhinaca kale, xubno ka mid ah maamulka Kastamka Baligubadle, ayaa qirtay in ay xilliyada qaarkood dadweynaha ka qaadan jireen lacago sharci darro ah, oo ay ku tilmaameen obar tam 9over time), oo aan ku jirin cashuuraha sharciga ah ee ay u jiraan gaadiidka maraya deegaankaasi.
Siciid Cabdilaahi oo ka mid ah hantidiileyaasha Jaadka geeya magaalada Baligubadle, ayaa ku eedeeyey maamulka Kastamka in ay weydiiyeen cashuuro aan sharci ahayn, ka dibna uu ku gacansaydhay.
Xubno ka tirsan maamulka Kastamka, ayaa wariyahayaga u xaqiijiyey in xilligii xukuumaddii hore ay dhici jirtay in ay qaadi jireen lacago sharci daro ah oo ka baxsan cashuuraha sharciga ah, hase yeeshee ay xilligan joojiyeen.
Waxa kale, oo ay beeniyeen eeda
ka soo yeedhay Jaadlahaas.
axmed maxamed cawaali
bali gubasle

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com