Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Diyaaradda Ethiopian Airline Oo Markii Ugu Horeysay Haween Ay Duulimaad Isku Xidhaya Afrika iyo Yurub Kaxayn Doonaan

Maamulka shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airline ayaa shaaca ka qaadya in soo af jareen u diyaar garoowga Xuska 8 March oo ku beegan Maalinta Haweenka Aduunka.

Xuskan ayay sanadkan kaga qayb geli doonaan duulimaad isku xidhaya Magaalooyinka Addis Ababa ee Stockholm – Oslo, Kaas oo ay dhamaantiinba diyaaradahaasi kaxayn doonaan koox haween ah.

“Dhamaanba haweenkaasi ayaa duulimaadkooda qaarada Afrika iyo Yurub isku xidhaya ku muujin doona awooda haweenka ee aduunka” sidaas ayaa lagu yidhi war kooban oo ka soo baxay Maamulka shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airline.

Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airline ayaa ah tan ugu caansan qaarada afrika waxaanay hormuud u tahay diyaaradaha ka dhex shaqaysta qaarada afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com