Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

XARUNTA DAWLADA HOOSE EE MAGAALADA HARGEISA OO LA CIIR-CIIRAYSA QALABKA LAGA SOO QADO DADKA KU GANACSADA DHINACYADA WADOYINKA

Hargeisa (msl.)Xarunta dawlada hoose ee magaalada hargeaaisa oo uu buux dhaafiyey qalab kale duwan oo ay ciidamada dawlada hoose ka soo ururiyaan maalin walba dadka dan yarta ah ee ku ganacsada badhtamaha magaalada ,gaar ahaan dhinacyada wadooyinka.
Qalabkan oo aad u farabadan ayaa waxa uu isugu jiraa kaaryoonayaal ama gaadhigacano iyo waliba qalabkale oo kasamaysan looxaan,oo ay quutul daruuriga kala soo bixi jireen dhalinyaro badani islamarkaana qaar ka middii ay ku biilin jireen qoysas farabadan ,oo ay maanta iyaguba shaqo la,aani ku hayso magaalada.
Tan iyo markii ay dawlada hoose ee magalada hargeisa ay billawday sanadkii hore ka raritaanka dadka ku ganacsada dhinacyada wadoyinka waxa ay dawlada hoose si joogto ah ay uga waday olole ay kaga hortagayso arintan ,ayado markay ciidamada dawlada hoose ay ka qadayaan sixun u ladhaqma qofka,oo ay jajabiyaan allabta ay iibinayaan ayagoo budhadh ladhaca,islamarkaana baabuur ku qada oo geeya xarunta dawlada hoose oo ah halkan aynu ka sheekaynayno,oo aan dib loogu soo celin ,oo ay sidaa ku waayan wixii ay wax ku iibinayen.
Si kastaba ha ahaatee waxay dawlada hoose ku cel celisaa in ay tagaan sariibadaha ay dayactirka ku sameeyeen,balse waa mid dadkii hore u daganaaba ay meel ka la,yihiin.
Cabdiraxman cabdilahi cisman(cabdiraxman dhadher)
maantaSomalilandl.com/hargeisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com