Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

MADAX DHAQAMEEDYO KA SOO JEEDA BALIGUBADLE IYO SALAX-LAY OO EEDO KULUL UJEEDIYEY WASIIRKA MAALIYADA

Hargeisa(msl)Koox oday dhaqameedyo ah oo ka soo kala jeeda baligubadle iyo salaxlay ayaa waxay eedaymo kulul ujeediyeen wasiirka wasaarada maaliyada jamhuuriyada Somaliland mudane cabdicasiis maxamed samaale,oo ay ku tilmaameen nin aan ucadaalad samaynay dalka. Kooxdan odayaasha ah oo maanta shirjaraa,id ku qabtay hotel hadhwanaag oo ku yaala magaalada hargeisa,ayaa waxa ay u soojeediyeen wasiirka in uu raali galin kabixiyo hadaladii uu ku hadlay sida ay sheegen, Arintan ayaa salka ku haysa khilaaf baryahanba ka dhex aloosnaa shirkada jaadka soo galisa Somaliland iyo wasaarada maaliyada Somaliland oo ay isla afgaran waayeen cashuur lagu kordhiyey,isla markaana maalmihii ugu dambeeyay uu ka soo galayay dhinaca gobolka hawd . Arintan oo ay ku til maameen waxgarad kani in ay isku mid tahay cashuurtii lagu bixin jirey kalabaydh iyo talagu bixinayo dhinacan loo soo wareejiyey ,isla markaana ay sheegen in uu wasiirku sheegay in ay cashuurtii meel xun martay,arintana ku tilmaamay mid gafa oo uu wasiirku dadka oo dhan wasiir u yahay,oo aanu dalku qadikarin buuq kale ayadoo ay tii doorashadu taagantahay. Waxaana ay kala ahaayeen magacyadii odayaasha qaarka mida, Caqil maxamed xuseen cabdi Cheaf caaqil cali cabdilahi wacays Caqil khaddar maxamed axmed Caqil maxamed xaashi cabdilaahi Caaqil cumar ismacil maxamed (hayan). By cabdiraxman cabdilahi cismaan (cabdiraxman dhadhere). Hargeisa/Somaliland office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com