Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dagaal Maanta Ka Dhacay Xudun Iyo Maleeshiyada Khaatumo Oo Weerartay Ciidamada Somaliland. (msl xudun)- Dagaal xoog, ayaa goordhaweyd ka dhacay duleedka degmada Xudun ee gobolka Sool, ka dib markii maleeshiyada falaagada Khaatumo ay weerareen fadhiisimo ay ciidamad Somaliland ku leeyihiin deegaankaas. Dagaalkan oo la isu adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka , iyada oo la sheegayo in uu jiro khasaare , hase ahaate si madaxbanaan looma xaqiijin karo , waxaana go’an isgaadhsiinta. Warbaahinta falaagada ayaa sheegtay in dagaalka oo bilaabmay saaka subixii , oo mar kale dib u qarxay, markii maleeshiyadu ay weerartay saldhigo ciidamada ku sugan yihiin oo la sheegay in uu saamayn ku yeeshay Magaalada Xudun “Dagaalka wuu socdaa hadda, waxaa laba dhacaya hubka waawayn ee lays dhaafsanayo , daryanka waxaa laga maqlayaa meelo aad udurugsan” ayuu yidhi qof goob jooge ah oo codsaday in aan magaciisa la sheegin. Ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in ay weli ku sugan yihiin fadhiismooyinkoodii , halka falaagadu dib loogu celiyo dhulkii ay ka soo duuleen ah deegaan ku dhaw Tuulada Dandan iyo dhanka degmada Taleex. By dhadhere

(msl xudun)- Dagaal xoog, ayaa goordhaweyd ka dhacay duleedka degmada Xudun ee gobolka Sool, ka dib markii maleeshiyada falaagada Khaatumo ay weerareen fadhiisimo ay ciidamad Somaliland ku leeyihiin deegaankaas.

Dagaalkan oo la isu adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka , iyada oo la sheegayo in uu jiro khasaare , hase ahaate si madaxbanaan looma xaqiijin karo , waxaana go’an isgaadhsiinta.
Warbaahinta falaagada ayaa sheegtay in dagaalka oo bilaabmay saaka subixii , oo mar kale dib u qarxay, markii maleeshiyadu ay weerartay saldhigo ciidamada ku sugan yihiin oo la sheegay in uu saamayn ku yeeshay Magaalada Xudun
“Dagaalka wuu socdaa hadda, waxaa laba dhacaya hubka waawayn ee lays dhaafsanayo , daryanka waxaa laga maqlayaa meelo aad udurugsan” ayuu yidhi qof goob jooge ah oo codsaday in aan magaciisa la sheegin.
Ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in ay weli ku sugan yihiin fadhiismooyinkoodii , halka falaagadu dib loogu celiyo dhulkii ay ka soo duuleen ah deegaan ku dhaw Tuulada Dandan iyo dhanka degmada Taleex.
By dhadhere

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com