Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Daawo Muuqaal:-Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Sharaxaysa Sababaha Ay Isku Casishay

Ra’iisul wasaraaha Britain, Theresa May ayaa sheegtay inay is-casili doonto kadib markii ay saddex goor ku guul darreysatay inay xubnaha baarlamanka ka dhaadhiciso heshiiskeeda Brexit.

“Hadda waa ay ii caddahay in waxa ugu wanaagsan dalka ay tahay in ra’iisul wasaare cusub uu hoggaamiyo dadaalladan” ayay tidhi iyada oo ilmeynaysa

“Sidaas darteed, waxaan maanta ku dhowaaqayaa in aan iska casili doono hoggaaminta xisbiga Conservative-ka laga billaabo 7-da June”

Hanaanka doorashada hoggaamiyaha cusub ee xisbiga, oo kadib noqon doona ra’iisul wasaaraha ayaa billaaban doono toddobaadka xiga toddobada June.

Hadal ay jeedisay ayada oo taagan dibedda aqalka ra’iisul wasaaraha ee Downing Street, ayaa May waxa ay sheegtay inay “weligeed ka shalayn doonto” inaysan awoodin inay heshiis Brexit u keento dalka.

Is-casilaadda May ayaa billaabi doonta loolan xooggan oo loo geli doono cidda ka beddeleysa xilka ra’iisul wasaaraha dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com