Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Aasaaskii unuga Schoolka Abaarso Tech iyo himladii hirgalintiisa

Aasaaskii unuga Schoolka Abaarso Tech iyo himladii hirgalintiisa

Schoolka Abaarso waxa uu yahay iyo meesha uu yahay waa la wada
ogyahay. Laakiin sida ka muuqata, dadka qaar bay weli ka maqantahay
cidda schoolka dhistay iyo cidda loo dhisay.

Schoolka Abaarso Tech qof gaar ahi ma laha. Sidoo kale, hay’ad gaar
ah ama sharikad ganacsi schoolka ma laha. Waxa schoolka leh oo loo
dhisay dadka iyo Waddanka reer Somaliland. Wuxu la mid yahay
schoolada Waddaniga ah ee Dawladu dhisto oo Wasaaradda tacliintu
maamusho. In kasta oo annay maamulka Abaarso Tech Wasaaraddu gacanta
ku hayn, hadana sidaas schoolada dowlada wadanku u leeyahay ayaa
Abaarso Tech-na wadanku u leeyahay.

Sida Schoolku ku dhismay waxay ahayd si an laga asarartami karin.
Inanka aan adeerka u ahay, Jonathan Starr, ayaa yidhi dhaqaale ganacsi
ama wershado waa la samaynkaraa. Waxa dunida la isku dhaafay waa
tacliin iyo aqoon. waxan doonaya in aan school dhiso. Halkii aan
school ka dhisi laha wadanka Haiti oo kale oo aad u baahan, waxan
rabaa inaan caruurta aanu ilmaabtiga nahay ee reer Somaliland ula
eexdo ee bal Hargeisa an qabano. Markaasnu isa soo racnay oo Hargeisa
nimi. Waqtigaas anigaygaasi isaga waxba aada ah maan dhaamin oo wax
aad ah ama cid badan Hargeisa kama garanayn.

Anigu waxan doonayay in schoolka laga dhiso Sheikh oo ah meesha aan
aqaanay ee aanu ku soo kornay ee hoyga tacliinta noo ahayd. Hargeisa
waxba kama aqoon oo meel school laga dhiso ma garanayn. Iyadoo
artintu sidaa tahay, ayaanu is helnay Ahmed Hussein Esa oo anagoo
makhayaayad la fidhina nagu yidhi waar iska dhaafa Sheikh oo anigaa
meel school ku fiican idiin haya. Wuxu na geeyay Tuulada Abaarso oo
halkas dadkii kula hadlay oo ku yidhi waxan idiin wadaa dad school
dhisaya ee dhul nasiiya. Markaasay dadkii tuuladu na kaxayeen oo na
geeyeen buur qayax ah oo tuulada dusheeda saaran oo na yidhaahdeen
qaata dhulkas oo dabaddedna noo qaydeen. Halkaasaa schoolku ka
dhismay.

Schoolku, sida la ogyahay, si degdeg ah ayuu ku dhismay. Kharashka
galay intiisa badan waxa bixiyay Wiilkan Jonathan Starr. Illa hada
lacag gaadhaysa $1.7million baa schoolka gashay. Jonathan wuxuu
bixiyay $800,000. Sahiibadiisa Maraykan joogana, oo ay ugu
muhimsanyihiin labada nin e Anand Desai iyo Peter Collery, wuxu ka
soo ururiyay lacag gadaysa $400,000 oo kale. Inta waxa raaca $200,000
ay keeneen USAID iyo CFO(UK), $200,000 u bixiyay Mohamed Said oo ah
ninka leh Somcable, Dahabshiil na $65.000, Ambassador Hotel na
$15,000, Telesom na $10,000 iyo Maansoor Hotel $5,000. Dad kale oo
badan oo Somali ah iyaguna wixii ay kari karayeen ayay ku dareen. Waa
aragtaan oo school qurux baa dhismay. Laakiin maamulnimo weli isma
bixiyo oo school feeska yaryarka laga qaadaa meel ma gaadho. Taasi
waxay keentay in uu Jonathan had iyo jeer wax maalintaa loo bahanyahay
oo an lacag loo hayn uu jeebkisa ka bixiyo, sida tigidhada
macalimiinta dhoofaya ama imanaya.

Markii schoolka meel loo helay oo dhismihiisa lagu dhaqaaqayay, waxan
rabay in magaciisa loo bixiyo Jonathan Academy, mar hadii uu isagu
schoolka keenay oo lacagtiisii geliyay. Laakin wuu iga diiday oo
yidhi waxa hagaagsan in schoolka tuulada loogu magac daro, iyagaa
dhulka ku deeqay oo ina soo dhawayay. Sidaas ayuu magaca Abaarso Tech
ku yimi. Maanta waa la arkaa in Tuuladii Abaarso magaceedi caanbaxay
oo dunida ku fiday. Dadka reer Abaarso waa inay taa ku farxaan. Sido
kale, Schoolku dhaqaalaha tuulada wuu kobciyay oo iyagaa ka shaqayya
oo waxna laga iibsada.

Waan qiraya, dad badanna aan hore ugu sheegay, schoolku sidaa
dhakhsaha ah uma dhismayn hadii aanu Ahmed Hussein caawin. In kasta
oo aanu kharash gelin, laakin taagero laxaad leh ayuu ka gaystay. Waa
la wada ogyahay in warqadi xafiis ka gasha an si fudud looga soo
saarikarin. Ahmed baa meelahas oo dhan kala garanayay oo warqadii loo
baahdoba dabajoogay oo soo sarayay. Waan filayaa in uu marmar
halfududayn qaad ah bixiyay. Isagaa noo keenay dadka qandarasyada la
siiyay ama kuwa shaqaalaha schoolka loo qortay. Maanu waydiin ciday
yihiin. Somaliyi wa isugu kaya mid. Schoolkana ma kala xigaan.
Sidaa awgeed waxa uu Ahmed uqalmay sharafta iyo magaca “co-founder”.
Sidaasuuna tariikhda schoolka ku gelayaa oo, wax kasta oo dhacaba,
magiciisu schoolka ugu lifaaqsananayaa.

Sida la wada ogyahay, waa la isxantaa oo wax la iskasheegaa. Waxa
dhulka la marinayaa inuu Ahmed Hussein yidhaahdo anigaa schoolka
keenay oo dhisay oo leh. Anigu weligay Ahmed afkiisa kama maqlin
isaga oo sidaa u hadlaya. Waxan in badan ka maqlay oo aan qoraal na
kaga hayaa isagoo leh anigu Ahmed ahaan weligay school ma sheegan
mana sheeganayo. Been baa layga abuurayaa. Hase ahaatee, waxa jirta
in marmar wax aanad filayni dhacaan. Hadii dhulka schoolka la siiyay
uu Ahmed isagu isku qoray, sida dadka qaar leeyihiin, taasi wa arrin
Wasaarada tacliintu eegi karto, xafiiska garsoorka qarankuna
baadhikaro. Hadii, sida aan aaminsanahay, aanay taasi dhicin, wax la
isku qabtaaba ma jiraan.

Schoolku iminka waa ka caadaa maraya. Dufcadii u horaysay bishan July
2013 bay qalijebinayaan. Waxanu rajaynaynaa inay Scholarships ka
helaan jaamacadaha Maraykanka. Kuwii sanad-sanad loo diray school-lo
Boarding ah oo Maraykan ku yaal aad iyo add bay u najaxeen oo magaca
Somaliland hore ugu qaadeen. Kuwa schoolka dhameeya sanadkan oo
jamacadaha gala na, sidaas oo kale ayaanu filaynaa inay qayrkood uga
soo baxayaan. Hadii aanay qaar iyaga ka mid ahi jaamacado helin,
Schoolka ayaa lagu sii haynayaa si af ingriisigooda aad kor loogu
siiqaado oo ay kaldambe jaamicado si fudud u hellaan.

Waxa ayaan daro ah in beryahan dambe schoolka aflagaado badan loo
gaystay oo macalimiinta iyo ardaydaba la caayay. Waxan aaminsanahay
in marka wax anshax xumo ah la maqlo markiiba Schoolka loo soo gurmado
oo la difaaco. Sidaasaana dhacday oo waa kuwaa waalidiinti iyo
wadaadadii iyo dadweynihii ba dhamaan schoolka u hiiliyay oo
taageeray. Waa wada mahadsanyihiin. Waxa arin aad loola yaabo ah in,
sida la sheegayo, dad waayeel ah oo waxgarad ah oo arkaya sida xaaladu
tahay geeska Africa ay abaabuleen oo ka dambeeyeen cayda iyo idacada
schoolka loo gaystay oo ay macalimiinta ajnabiga ah iyo wadanka
Somaliland ba khatar geliyeen. Hubsiimo hal baa siistaa baa Somalildu
tidhaahdaa. Hadii qof wax odhanayo, horta waa innu runta iyo beenta
iska hubsadaa. Warbaahinta wararka fidiyaana waa inay ku kalsoonyihiin
waxay qoraan. Marmar baa qofku aanu isarkin oo wuxu leeyahay aanu ka
fiirsan oo arrintaa isagu hadhow ku ceeboobaa. Chinesekaa yidhaahda,
kaluun bad ku jiraa innu iskukadjay ma arko.

Sida aan hore u idhi, Schoolku isma bixin karo. School feeska soo
galaa wuu yaryahay, arday badanina scholarshipyo bay u baahanyihiin.
Dowladu waa inay ka caawisaa xaga kharashka joogtada ah. Waxa
Wasaarada macdanta iyo biyaha looga baahanyahay in schoolka la siiyo
biyo bilaash ah. Hadii aanu ceel qodan kari lahayn, biyaha dowlada
loo ma baahdeen. Laakinse buurta schoolku ka dhisanyahay meel ceel
laga qodi karo ama wax laga beeri karo ma aha. Waa in Arabsiyo laga
soo dhaamiyaa. Dowladii hore ayaa ku balanqaaday in Schoolka meelaha
ku dhow ceel looga qodo, laakin taa kumay dhaqaaqin. Xaga dabka,
schoolka waxa loo kaynay marawaxada dabaysha (windmill) oo casri ah oo
aanu rajaynayno in laga helo dab schoolka iyo tuulada ba ku filan.
Dhinaca amaankana, mar hadii macalimiin badan oo marti inoo ahi
joogaan, waa in wisarada daakhiligu xil iskasaartaa ilaalinta schoolka
oo yaan la odhanin kharashka askarta schoolku ha la boxo. Waxa
Schoolka dulsaran kharashka waashmannada oo badan oo labada kharash
iskuma qaadikaro.

Arinta kale ee in la xalilo u baahani waa tan Jaamacada. Waxa dhacday
in maamulka schoolka Abaarso Tech, si ay u helaan meel schoolka lacagi
ka soo gelikarto, waxay bilaabeen waxbarashada heer jaamicadeed ah oo
magaalada Hargeisa, badanaa ba habeenki, lagu dhigo Business iyo
Accounting courses. Programme-ka oo loo bixiyay Abaarso Tech
University, markii uu beryo socday, wuu isbixinwayay oo
dhibaatoyinkiisii kale na waa ay bateen. Waxa adkaaday socodkii iyo
shidaalkii habeenwalba la imanayay magaalada si Koorosyayda loo ghigo.
Sidaa awgeed, Schoolka Abaarso Tech way iskaga baxeen maamulka
programmekaa oo waxa la wareegay Ahmed Hussein. Magaca Abaarso Tech
University markiisii horeba khalad buu ahaa oo wuxu keenay in Schoolka
iyo Jaamacada la isku khaldo. Weli ilaa hada khaladkaasi wuu socdaa
oo wuxu u baahanyahay in labada la kala saaro, madaama aanay iminka
Schoolku iyo Jaamacadu shaqo isku lahayn. Ahmed baa iminka jaamacada
gacanata ku hayaa oo maamula. Isaga iyo Commission-ka Tacliinta Sare
wa innay isutagaan oo ka wada hadlan Jaamacada magaca loo bixinayo
wixii iminka ka dambeeyana, si anay mar dambe isugu khaldamin Schoolka
Abaarso Tech iyo Jaamacada magaalada Hargeisa dhexdeeda ahi.

Ugu dambayntii, hadaan soo kobo, waa aragtaan in School casri ahi
dismay. Ardaydu iyo macalimiintu shaqadooday wataan oo dad la
cilaaqtama waqti uma hayaan. Shaqadooda ha loo dayo oo ha la
taageero. Dibatadana ha laga daayo. Ninka isyidhaahda dhibaatada iyo
khatarta aad Schoolka la soo doonatid waa la iska illaawi wuu
khaldanyahay. Dadka reer Haiti baa ku maahmaaha, ninka ku dhuftay
wuu ilaawa, laakiin ka dakharku ku yaalaa ma illawo. Waalidiintu waa
inay sidaa wanaagsan feejignaanta u sii wadaan. Reer Abaarso na,
iyagaa dani ugu jirtaa, e Schoolka ha ilaashadeen.

Billeh Osman
Co-Founder of Abaarso Tech

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com