Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xogo maanta somaliland heshay soo ururisay ayaa sheegaaya in shalay Barqadii Nin Khamiis Gashani uu soo galay gudaha Xarunta Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Hargeysa ,dacal ilaa dacalna isaga gooshay Kaanboolka iyo Xafiisyada Wasaarada iyadaan cidna dhaadin balse ugu danbayntii lagu joojiyey isaga oo ka baxaaya Gaydhka weyn. Ninkaas Khamiiska Gashanaa ayaa markii ay joojiyeen ilaalada Gaydhka hore ee Wasaarada Madanta iyo Biyuhu la weydiiyey su’aalo badan, Wuxuuna ninkaasi sheegay sida laga soo weriyey inuu Magaalada Hargeysa ku sugnaa muddo Shan Sanadood ah, islamarkaana degan yahay,haddana uu ka yimi dhankaa Masaajidka Tabliiqa.

Xogo maanta somaliland heshay soo ururisay ayaa sheegaaya in shalay Barqadii Nin Khamiis Gashani uu soo galay gudaha Xarunta Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Hargeysa ,dacal ilaa dacalna isaga gooshay Kaanboolka iyo Xafiisyada Wasaarada iyadaan cidna dhaadin balse ugu danbayntii lagu joojiyey isaga oo ka baxaaya Gaydhka weyn.
Ninkaas Khamiiska Gashanaa ayaa markii ay joojiyeen ilaalada Gaydhka hore ee Wasaarada Madanta iyo Biyuhu la weydiiyey su’aalo badan, Wuxuuna ninkaasi sheegay sida laga soo weriyey inuu Magaalada Hargeysa ku sugnaa muddo Shan Sanadood ah, islamarkaana degan yahay,haddana uu ka yimi dhankaa Masaajidka Tabliiqa.
Ninkan oo su’aalo badan lagu hafiyey wuxuu sheegay inaanu Far Somaaliga qori karin,akhriyi Karina hase yeeshee Quraanka qori karo,akhriyi karane .
Arintu si kasta ha ahaatee waxaa xilliga ninkaas la qabtay ku suganaa gudaha Wasaarada Taliyaha Waaxda Socdaalka Somaliland Ina-Canbaro oo Nabadsugidii Siyaad Barre ka mid ahaan jiray kaasoo su’aalo ku asqeysiiyey ninkaas la qabtay, aakhirkiina isaga ayaa ninkaas kaxeeyay oo denbi baadhista u gudbiyey,halkaas oo la sheegay in baadhitaan ku socdo.
Waxaa xadhiga iyo baadhista ninkaas Khamiiska xidhnaa amray oo sas weyn ka qaadey Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale oo ah Qurba-meer,isla markaana ka mida wasiirada ku xeeran qalbiga dalka laga hago ( Qasriga madaxtooyada), Isku Beel hoosena ka soo jeedaan Madaxweyne Siilanyo laguna xanto inuu noqday wasiirkii ugu musuqmaasuq iyo wax-isdabamarinta badnaa,uguna cadaalad-daraa golaha xukumada Siilanyo sanadkii la soo dhaafey 2012ka ka dib markii uu Sanduuq Xisaabeed uu gaar u leeyahay ku shubtay Lacag lagu qiyaasey Nus Malyuun Dollar oo uu ka qaadey shirkado Macdan iyo Shidaal baadhis ka waday dalka balse Wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliland Eng.Maxamuud Xaashi Cilmi oo arintaas faraha la soo galay ama kashifey musmaasuqu ku kacau uu xilkiisii wasiirnimo ku waayey.
Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale wuxuu sida laga soo xigtay shalay sheegay inuu shaki weyn ka qabo ninkan Khamiiska sita in isaga loo soo diray ama loo soo adeegsaday inkastoo aanu soo bandhigin cadaymo arintaas taageeraya.
Yeelkeede tan iyo shalay waxaa la xidhay Gaydhkii Wasaarada ee Gaadiidka iyo dadkuba ka soo geli jireen iyadoo ilaaladii Wasaarada heegan la geliyey,laguna amray in cidii gudaha xarunta wasaarada loo fasaxo in la baadho, islamarkaana Dadweynahihii adeegyada kala duwan u soo doontay Wasaarada ayaa banaanka lagu celiyey oo halkaa lagula hadlaayey wuxuu qof waliba gudaha wasaarada ka doonaayo,waxaana intooda badan loo diiday inay galaan ama ka soo adeegtan gudaha Wasaarada. Sidoo kale waxaa la joojiyey ama la mamnuucay in wax Gaadiid ahi galo gudaha Wasaarada,waxaana aad loo baadhayey Gaadiidka Hayadaha iyo Ash-khaasta saaxiibada dhow la ah wasiirka ee shaqo ama booqasho u yimi wasaarada xataa waxaa la joojiyey in Baabuur lagu barkingareeyo agagaarka gidaaarka debeda ee wasaarada cabsi soo wajahaday wasiirka awgeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com