Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

guddida wanaag farista iyo xumaan reebista ayaa mudanayaasha golaha guurtida hor keenay maanta qodobo muhiima oo ku saabsan arimaha bulshada kuwaas oo ay soo jeediyeen in wax laga qabto.

(msl)guddida wanaag farista iyo xumaan reebista ayaa mudanayaasha golaha guurtida hor keenay maanta qodobo muhiima oo ku saabsan arimaha bulshada kuwaas oo ay soo jeediyeen in wax laga qabto.

Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista o maanta goob joog ka ahaa fadhigii mudanayaasha golaha guurtida ayaa golaha u soo gudbiyey arimo u baahan in wax laga qabto.

Xildhibaan ka tirsan mudanayaasha golaha guurtida oo akhriyey nuxurka qodobada ay u soo gudbiyeen guddida wanaag farista iyo xumaan reebistu ayaa waxa uu yidhi ? waxa warbixin kooban inoo soo gudbisay guddida wanaag farista iyo xumaan reebistu waxaana ka mida qodobo khuseeya arimaha bulshada kuwaas oo kala ah

1. Waxa jira guryo laga furay xaafadaha magaalada kuwaas oo layskugu keeno gabdho iyo wiilal laguna tilmaamo in la barayo dhaqanka, arinkaas oo aan banaanayn dhinaca diinta islaamka.

2. Hablaha darbi jiifka ah iyo ubadkii darbi jiifka ah oo aad u batay kuwaas oo aanu hubinay inay 95% yihiin caruur u dhalatay Somaliland, kuwaas oo qoysas burburay ama dayac soo saaray, waana in la geeyaa xarunta loogu tala galay caruurta darbi jiifka ah.

3. Maandooriyaha oo aad ugu soo batay dalka iyada oo farmasiyo la yaqaanaa ay kiniinka ka iibayaan ubadka darbi jiifka ah kuwaas oo u baahan waxka qabasho

4. Qaadka oo fara xun inagu hayo kaas oo haweenkiina gaadhay, una baahan xakamayn ka bilaabanta in goob gaara lagu iibiyo iyo inaan gali hore la iibin si talaabo talaabo loogu dabar gooyo

5. Dhalinyaro koox koox ah oo magaalada amaan daro ku haya taas oo keeni karta in amaanku faraha ka baxo,waxaanan ku talin lahayn in dadkaa midiyaha habeenkii dadka ku weeraraya go,aan laga soo saaro oo aan caaqil iyo qof kale toona ka daba tagin.?
xuseen xarbi
hargaysa office /email /harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com