Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Khilaafka Hadheeyay Gabiley oo Loo Aanaynayo Qoyska Madaxtooyadda iyo Taliska Ciidanka iyo Kastanka kalabaydh oo loo Magacaabay Masuuliyiin ka soo jeeda Qoyska Marwadda


Khilaafka Hadheeyay Gabiley oo Loo Aanaynayo Qoyska Madaxtooyadda iyo Taliska Ciidanka iyo Kastanka kalabaydh oo loo Magacaabay Masuuliyiin ka soo jeeda Qoyska Marwadda.

Marwada oo la sheegay inay Qayb laxaadle ku lahayd magacaabistii Golaha wasiiradda

Marwadda Koowaad ee Madaxwayne Siilaanyo Marwo aamina Waris ayaa la soo baxday Awoodo xoogan oo kaba sii Awood badan kuwii marwadii madaxwayne Rayaale, kuwaasi oo soo shaac baxaya maalinba maalinta ka danbaysa.

Marwada oo la sheegay inay Qayb laxaadle ku lahayd magacaabistii Golaha wasiiradda iyo Bashasaabadda Gobolladda, iyo hay’addaha madaxa Banaan ee xukuumadda Cusub ee Axmed Siilaanyo ayaa sheegay inay Xilal badan oo kale si Dadban u magacawday.

Marwadda oo dadka u yaqaanaan (Horizantal President) ama Askariga jiifa ee Madaxtooyadda, marka aad eegto Awoodeeda qarsoon ee ay ku leedahay Xukuumadda, oo la sheegay Dadka ay magacawday inay kaga Awood badan yihiin Xaga Xukuumadda Dadka kale uu Madaxwaynuhu soo magaacabo ayaa maalmihii ugu danbeeyay si aad ah u soo shaac baxaysa iyada oo ay daaha ka rogayso Arinta Muranku ka taaganyahay ee ka jirta Gobolka Gabiley oo ka mid ahaa Gobolladii ugu Codka Badnaa Xisbiga Kulmiye.

Marwadda Madaxwaynaha ayaa dadka reer Gabiley badan koodu u aanaynayaan inay Dabada ka riixayso khilaafka Ba,an ee hadheeyay Maamulka iyo Dadwaynaha Gobolka, iyada wakiillo dumar ah oo khaas ah ku yeelatay Gobolkaasi, kuwaasi burburiyay Guud ahaanba Nidaamkii iyo kala danbayntii Dawlada iyo shacabka Gobolka ka dhexeeyay, khilaaf horlena ka abuuray Haweenka Gobolka,Maamulka Gobolka iyo Dawladda hoose.

Talladda Gobolka Gabiley ee dhinaca Madaxtooyadda oo la sheegay inay ka Go,do dumar marwadda ay saaxiibo yihiin ayaa la sheegay inay kaga Awood Bateen Masuuliyiintii, Odayaashii iyo Aqoonyahankii Gobolka Gabiley ee ka tirsaanaa Xukuumadda, taasi oo ay daaha ka rogtay Cabashadii Aqoonyahanka, Odayaasha iyo Masuuliyiinta Gabiley ee Xukumada ku jiraa u soo jeediyeen madaxwayne Siilaanyo ee ahayd in laga Badalo Badhasaabka Gabiley oo la sheegay inay Gabiley ka Abuuray khilaaf beeleedyo cusub.

Dhinaca kale Marwo Aamina Waris ayaa la sheegay in ay Goobaha Dakhliga Dalka gaysay Masuuliyiin qoyskooda ka soo jeeda maadaama Beeshooda markii hore la siiyay Hal wasiir oo kaliya, iyada oo gaysata Masuuliyiintaasi kastanka kalabaydh ee ka tirsan Gobolka Gabiley, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska oo ahaa Askari kale oo ay Eedo u tahay marwadu, taasi oo cadayn u ah in ay Xilalkii Gabileyna ku Taxtay Xaafadoodii, khilaaf ba,ana ka dhex abuurtay Gobolkii.

Awoodaha dumarka Marwadu u magacawday Gabiley ayaa waxay dhiiri galin siiyen Badhasaabka Gabiley Rashiid Cumar Sheekh oo ka faa,iidaystay jaaniskaasi isaga oo markii horeba shahaado foojari ah ku yimi meesha, Aqoon dugsi sare ka badan aan lahayn,balse la tixgaliyay Dumarkaasi u soo halgamay kulmiye oo isku Xusul duubay arintaasi dhagna aan jalaq loo siin Aqoonyahano badan oo Gobolka horumar gaadhsiin lahaa.

Khilaaf Xoogan ayaa Gabiley ka soo cusboonaaday iyadaa dadka ku Dhaqan Gobolku gaadheen marxaladii ugu xumay ee Abid soo marta iyo iska horkeen bulshadda dhexdeeda ah oo awoodaystay iyada oo laga baqo qabo in Dagaal sokeeye ka dhaco Gobolka Gabiley.

Waxaad maqlayseen Qayladhaanta Odayaasha Gabiley oo cirka isku shareeray kaasi oo ay kaga cabanayeebn Badhasaabka Gabiley oo la sheegay inuu abuurayo Dagaalo sokeeye, iyo iska horkeen dadka gobolka wada dega, taasi oo aanay xukuumaddu dhag u dhigin arintaasi iyada oo dadka qaar sheegayaan in marwadu wacad ku martay inaan la badali Karin Badhasaabka Gabiley iyada oo ay tixgalin uga dhigayso dumarka ay saaxiibka yihiin ee meesha keenstaday Badhasaabka Gabiley.

Fashilaada Xukuumadda siilaanyo ee dhinacyadda khilaafaadka ayaa soo xoogaysanaysa iyada oo Gobolka Gabiley la kowsaday bilawgii dawladda siilaanyo khilaafyo iska hor imaadyo bulsho oo horleh, kuwaasi oo halis badan keeni kara hadii aan wax laga qaban.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com