Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Sharaf ayay ii ahayd in aan Barnaamijka Start-up Grind oo xalay la igu casuumay Cabdi Yusuf Aar maareeyaha guud ee shirkada Sagaljet.

Sharaf ayay ii ahayd in aan Barnaamijka Start-up Grind oo xalay la igu casuumay aan la wadaagay 20 sanno oo khibrad ah oo aan ganacsiga ku jiray taas oo macneheedu yahay in kala badh noloshayda aan badweynta ganacsiga ku soo jiray kuwaas oo isugu jiray duruufo kala duwan oo macaan iyo qadhaadhba lahaa.
Waxa kale oo ii farxad ah in 20ka sanno 10 sanno oo ka mid ah aan ahaa CEOga shirkadda Sagaljet. 
Waxaan Sagaljet ku bilaabay in ka yar 10 qof oo shaqaale ah, Hal xafiis iyo Hal machine maantana shaqaalaha Sagaljet waa in ku dhow 300 qof iyo xafiisyo ka furan dhamaan gobolada dalka iyo waddanka Djibouti. 
Waxa u weyn ee aan odhan karo way ii qabsoomeen waa in aan soo saaray dad badan oo maanta hogaamiyayaal ganacsi ah sidaa waxaa yidhi maareeyaha guud ee shirkada sagaljet oo qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay face book

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com