Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dr Gaboose Oo Madashii Ururukiisu Kula Midoobay Waddani Ka Jeediyay Khudbad Macnayaal Badan Huwan, Shacabkana Ka Jaahil Saaray Su’aalo Ku Taagnaa.

Hargeysa (msl)Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa khudbad kooban oo Macnayaal badan ku fadhida ka jeediyay Munaasibadii ay ku midoobeen ururka Umadda iyo xisbiga Waddani oo maanta ka dhacday Hargeysa.
Dr Maxamed Cabdi Gaboose, waxa uu ka hadlay ujeedada keentay inay la midoobaan Waddani, Mucaaradada looga fadhiyo Waddani iyo sida loogu baahan yahay in xisbiga Waddani uu u noqdo mid ay iska dhex arkaan ummadda reer Somaliland oo dhan.
Dr Gaboose oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Munaasibadani waa mid lagu daah-furayo urur siyaasadeedka UMADDU uu si niyadsami ah oo ka timid dareenka maskaxeed markii ay wada tashi badan galeen ee ay wax badan qadariyeen, markay u muuqatay xaalada dalku, waxay isku qanciyeen haddii ay hadheen in dhibta taala aanay dhib kale ku darin, mar labaad haddii ay shireena waxay qaateen in aanay fadhiisane weelasha jira laga dhex baadi doono mid hilimadii markii hore ay aaminsanaayeen laga dhex xaqqiijin karo, waxa uu soo baxay in xisbiga ay la jaanqaadi karaan yahay xisbiga Waddani”
Maxamed Cabdi Gaboose, waxa kale oo uu caadka ka qaaday su’aalo shacabka qaarkood iska waydiiyaan siyaasada xisbiga Waddani, waxaanu yidhi “Nin aan saaxiib nahay oo aan aad u jecehalay ayaa saddex su’aalood I waydiiyeen, horta ma hubtaa in xisbiga Waddani Mucaarad kula noqonayo, wuxuu yidhi ma hubtaa in Musharaxa dhabta ah ee xisbiga Waddani yahay, wuxuu yidhi haddii adiga oo Gaboose ah aad quwada intaa leeg galinayso xisbiga gudihiisa ma iska sharaxaysaa..?”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo su’aalahaasi ka jaewaabaya “Waxaan maanta xaqiijinayaa markaan kulamo gaargaar ah la yeeshay Cabdiraxmaan oo kaliya in xisbiga Waddani ay khasab noqonayso inuu Mucaarad noqdo, ta kale yaanu mugdi idinka galin, anigaa soo taabtay Cabdiraxmaan Cirro waa musharaxa ugu weyn ee xisbiga Waddani wado.
Ta saddexaad, adiga oo Gaboose ah meesh maad iska sharaxaysaa, noloshayda Munaafaq maan noqonin, waxaan madasha ka cadaynayaa in aanay dhacayn inaan marnaba Cabdiraxmaan xisbiga gudihiisa mushrax kula noqdo, waxaanan doortay inaan dhiso inta itaalkaygu yahay.
Dadku Cali Waran-cadde iyo Gaboose maaha, waxaan ku leeyahay beeshaadu kuguma filna, u kac oo cadceeda iyo boodhka mar oo waa inay cid walba dareentaa inay Waddani wax ku leedahay oo ay ka dhex heli karaan inay ka dhex heli karaan qaranimadooda iyo sharaftooda, hogaan walba beel ayuu ka yimid oo kuma ceebaysna, laakiin waxaad ku ceebaysnaan doontaa haddaad xisbiga beel ka dhigtid”
Dr Gaboose, waxa uu dardaaran siiyay Guddoomiyaha Waddani “Himiladaasi haddii ILAAHAY kuugu tallo-galay waad healaysaa, laakiin dardaaranka Mucaaradada ayaan ku siinayaa, Mucaaradadu waa dareenka dhabta ah ee shacabkaaga, haddii ay gaajaysan yihiin, haddii ay tahriibayaan, haddii kalyaha lagala soo baxayo, haddii shaqsi ka mid ah kalyaha lagala baxo adiga ayaa kalyaha lagaala baxay”ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Saacadaa laga bilaabo Magacii Umaddu taariikhda ayuu galay anaguna WADDANI ayaanu nahay, waxaan ku leeyahay madasha balaadhan”
Dr Gaboose, waxa kale oo uu ka hadlay “Duufaanada Siyaasadeed ee ka dhacaya Washington iyo Muqdisho, aniga waxa igaga cawaaqib xun dufaanada maamul xumo ee Hargeysa ka dhacaya”ayuu yidhi.
By wariye dhadhere

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com