Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha Wakiilada Somaliland Oo Dalka Ku Soo Laabtay, Sheegayna In Mooshinka Wax ka Badalka Xeer-hoosaadku Aanu Iyagga Wax Wer-Wer Ah ku Haynin.

Guddoomiyaha Wakiilada Somaliland Oo Dalka Ku Soo Laabtay, Sheegayna In Mooshinka Wax ka Badalka Xeer-hoosaadku Aanu Iyagga Wax Wer-Wer Ah ku Haynin.

Hargeysa Dec, 30. 2010- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa sheegay in Mooshinka ay wataan qaar ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiiladu aanu shir-guddoon ahaan wax war war ah ku haynin, isaga oo tilmaamay inay xaq u leeyihiin inay Mooshin keenaan.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxa uu sheegay in aanu ogeyn wax kala qayb-sanaan ah, balse haddii ay jiraan ay u hawl-galaan sidii ay midayn lahaayeen xildhibaanada golaha.

Md Cabdiraxmaan oo isaga Guddoomiye ku xigeenkiisa koowaad safar shaqo ku tageen dalka Austeria iyo wadamo kale oo Yurub ah, balse isagu muddo kaga dambeeyey, ayaa maanta mar uu ka soo dagay madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, ka xog-waramay waxyaabaha uga soo qabsoomay safarkooda shaqo, waxaanu xusay inay la kulmayo la yeesheen baarlamaanada wadamada Austeria, Jarmalka iyo baarlamaanka adduunka, ujeedooyinkii ay u socdeena si wanaagsan ugu soo hirgaleen.

Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ugu horeyn ka hadlaya safarkoodii waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxaanu marti-qaad ka helnay baarlamaanada dalalka Austria, jarmalka iyo baarmaanka aduunka, iyadda oo aanu la kulanay baarlamaanadaas, waxa aanu doonayey in aanu xoojino xidhiidhka aynu la leenahay baarlamanadaas, waana aanu ku guulaysaney arrintaa.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, oo la waydiiyay sida uu u arko khilaafka xooga badan ee dhex yaala shir-guddoonka iyo qaar ka mid ah mudanayaasha Wakiilada, ayaa sheegay in baarlamaanka Somaliland ee uu isagu guddoomiyaha ka yahay uu hadda midaysan yahay, balse haddii ay wax jiraan u hawl-galayaan sidii loo dhamayn lahaa “Waxaanu nahay hal baarlamaan oo kaliya, ma jirto wax aan ogahay oo kala qaybsanaan ah, laakiin haddii ay jirto in wax la isku qabtay, baarlamaanka waanu midaynaynaa hadda, waana wax caadiya oo ka dhaca caalamka.”

Ugu dambayn, Guddoomiyaha golaha Wakiilada oo ay madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyeen dadwayne tiro badan oo isagu jira xildhibaano, wasiiro iyo salaadiin tiro badan, ayaa waxa uu sheegay in mudanayaashu mooshin keeni karaan, laakiin loo baahan yahay in wax walba sharciga loo maro “Shir-gudoonka waa la badeli karaa, waxaana loo marayaa dariiq sharci ah, sida aanu hore sheegnay, anaga war-war naguma hayso xilka qaadistu.”ayuu yidhi oo uu hadalkiisa ku soo koobay, isaga oo muujiyay in aan wax dareen cabsiyeed ahi ka haynin mooshinka ay wataan inta badan xildhibaanada golaha Wakiilada.

jamac cali maxamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com