Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

SOMALILAND OO SOOMAALIYA KU EEDAYSAY INAY FARO-GELINAYSO XIDHIIDHKA AY KENYA LA LEEDAHAY

Dawladda Somaliland ayaa Soomaaliya ku eedaysay inay Faro-gelin ku samaynayso xidhiidhka ay la leedahay Kenya.

War-saxaafadeed Caawa ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland oo soo gaadhay Shabakada Wajaalenews, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya oo looga baahnaa inay ku mashquusho hawlaheeda gudaha, sida Amniga, Dadkeeda gargaarka bani-aadamnimo u baahan yahay iyo xasilinta dhulkeedu ay isku mashquulinayso arrimo kale oo ay ka mid tahay inay faro-geliso Xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, sida hadalka loo dhigay.

Dawladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedaysay inay ku xad-gudbayso Midnimada Dhul ahaaneed ee Soomaaliya, ka dib markii Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Kenya oo kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland uu Twitter-kiisa ku soo qoray hadal laga dhadhaminayey inay Somaliland u aqoonsan yihiin dal ka gaar ah Soomaaliya inteeda kale, waxayna farriintooda u dhiibeen Safiirka Kenya u jooga Muqdisho oo Shalay looga yeedhay Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Muqdisho.

Hase-ahaatee, Somaliland oo Tallaabada Soomaaliya daba socota ayaa sheegtay inay ka xun tahay arrintaasi “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaynaysaa siday uga xun tahay ficillada Diblumaasiyadda ka arradan ee ay qaaddayso Soomaaliya, sida aan qarsoonayn ee ay u faro-gelinayso xidhiidhka laba geesoodka ah ee Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya.”ayaa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland.

Somaliland waxay Soomaaliya ugu baaqday inay ku mashquusho danaheeda, balse aanay faro-gelin Arrimaha dalal Madax-bannaan.

Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com