Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, gaadiidka iyo guryeynta Somaliland Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade), ayaa ka hadlay qorshe lagu casriyeynayo liisamada gaadiidka.

Wasaarada Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Electaroonik Ka Dhigaysa Liisamada Gaadiidka Oo Awal Si Fudud Loo Qaadan Jiray

Hargeys(msl) Jan 21,2013 – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, gaadiidka iyo guryeynta Somaliland Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade), ayaa ka hadlay qorshe lagu casriyeynayo liisamada gaadiidka.

Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud oo u waramay Tv-ga Somalichannel, ayaa sheegay inay garyaqaanka guud u gudbiyeen qorshe ay ku doonayaan inay liisamada gaadiidka ku casriyeeyaan isla-markaana ka dhigaan electaroonik.

Wasiirka arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi  “Waxaanu wadnaa oo aanu u gudbinay Garyaqaanka Guud sidii aanu u casriyeyn lahayn Liisanadda Baabuurta oo aanu doonayno inay noqdaan qaar Elektaroonik ah”

Wasiirku waxa uu sheegay in hawshaasi dhamaanayso bisha saddexaad ee sanadkan “Waxay dhamaanaysaa oo ay hirgalaysaa ilaa bisha saddexaad” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray  “Waxaanu sidoo kale wadnaa Geerashkii baabuurta Dawladda lagu hagaajin lahaa oo hadda dhamaad ah”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com