Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Laascaanood (maantaSomaliland)- Dhismahii Garoonka Kubadda cagta ee Cabdi Bile Cabdi ee Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa maanta si rasmi ah looga bilaabay laascaanood

Laascaanood (maantaSomaliland)- Dhismahii Garoonka Kubadda cagta ee Cabdi Bile Cabdi ee Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa maanta si rasmi ah looga bilaabay magaaladaasi.

Munaasabad kooban oo loo qabtay bilowga dhismaha garoonka kubadda ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Maayar-ka iyo Xoghayaha degmadda Laascaanood,
Mayarka magaaladaasi Md. Cabdiqaadir Jaamac Saalax uu uga mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland sida uu uga dhabeeyey ballan-qaadkiisii ku saabsanaa dhismaha garoonka kubadda cagta ee magaaladda Laascaanood.

Xoghayaha dawladda hoose ee laascaanood Cabdi Kheyre Dirir ayaa dhankiisa ugu baaqay ganacsatada iyo dadweynaha magaaladaasi inay ka qayb qaataan dhismaha garoonka kubadda cagta ee Cabdi Bile Cabdi ee laascaanood.

Dhalinyaradda iyo dadweynaha ku dhaqan magaaladda Laascaanood ayaa soo dhaweeyay dhismaha garoonkan, waxaanay ku doodeen in hirgelinta garoonkani uu ka qeyb qaadanayo horumarinta ciyaaraha gobolka Sool.

Garoonkan oo xukuumadda Somaliland bixisay kharashka ku baxaya ayaa waxa uu balan-qaaday Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) bishii December ee sanadkii 2011-dii xiligaasi oo uu soo gunaanadayay Ciyaarihii goboladda dalka ee lagu qabtay Magaaladda Burco.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com