Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Difaacayaasha Xuquuqda iinsaanka Somaliland Oo Madaxwayne Siilaanyo Ka Ashkateeyay Wasiirka Madaxtooyada “Madaxwayne Adiga Oo Xeerinaya Diinta Islaamka Iyo Dastuurka Waxaanu..” Hargeysa (msl)Difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland, ayaa Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u diray qoraal ay kaga codsanayaan inuu wax ka qabto xadgudubyo ay sheegeen in Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadu ku hayo muwaadiniinta. Qoraal lagu socodsiiyay Madaxwaynaha Somaliland isla-markaana uu ku saxeexan yahay Suleebaan Ismaaciil Bullaale (Xuquuq) oo ah Guddoomiyaha Guddida Ilaalinta xuquuqda aadamaha Geeska Afrika, ayaa lagu sheegay in Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan uu xabsiga u taxaabay Gabadh muwaadinad ah oo lagu eedeeyay inay Moobaylkeeda Fariin cay ah uga soo dirtay Wasiir Xirsi. Qoraalka Oo Madaxwaynaha ku socda oo ciwaan looga dhigay “Xadgudubyada Wasiirka Ugu Awooda Badan Xukuumadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan” ayaa u dhignaa sidan: Hargeisa, Somaliland Og: Warbaahinta Dalka iyo Dibada Urgent Appeal Alert/Dalab Degdeg ah: Xadgudubyadda Wasiirka Awooda Badan Xukuumada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan Mudane Madaxwayne, Anagoo kuu hayna ixtiraam faro badan, waxanu si xushmad leh kuula socodsiinaynaa walaaca ay difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland ka qabaan xadgudubyada xuquuqda aadamiga iyo xoriyadaha aasaasiga ah oo marba marka ka sii dambaysay kor u sii kacaya iyagoo ay ku lug leeyihiin tacadiyada dalka ka dhacaya masuuliyiinta sarsare ee xukuumadaadu. Gabood falkii ugu dambeeyay waxa uu heleealay haweenayda lagu magacaabo Nadra Maxamed Jaamac oo ciidanka booliska Somaliland xabsiga u taxaabeen 18 January 2013, iyagoo ku eedeeyay tahdiid qoraal ah oo mobilkeeda ay uga dirtay Wasiirka ugu awooda badan Xukuumada Somaliland Mudane Xirsi Xaaji Cali Xirsi. Xubno ka tirsan hay’adaha amaanka Somaliland ayaa Horn Watch u xaqiijiyay in Nadra Maxamed Jaamac sidoo kale fariimo kale u dirtay masuuliyiin saresare oo xukuumada ka tirsan kana mid yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Madaxwayne K/xigeenka dalka. Gabadhan ayaa haatan mudo todobaad ah ku xidhan Salidhiga Dhexe ee magalaada Hargeysa iyadoo wali aanay dacwadeedu ka bilaabmin hay’adaha garsoorka dalka. Ehelada haweenaydan ayaa u sheegay HornWatch in boolisku ay u diideen in ay siiyaan haweenaydan maxbuusada ah dawooyin ay qaadan jirtay ka hor intii aan xabsiga loo taxaabin, kuwaasi oo gurigeeda u yiilay balse markii ay isku dayeen in ay xabsiga kaga dabo geeyaan ay u diideen askartii Saldhiga Dhexe joogtay in ay siiyaan. Qaar ka tirsan difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland oo iksu dayay in ay ku booqdaan Nadra Maxamed Jamac xabsiga ayaa masuuliyiinta Saldhiga Dhexe ee Boolisku ka maanaceen iyagoo ku sababeeyay in dad hore oo booqday ay sawirteen gabadhan. Sidaasi darteed difaacayaasha xuquuqda aadamiga madaxa banaan ayaanay u suurtogalin in ay ka war helaan xaalada caafimaad ee maxbuusadu sida ay haatan tahay. Mudane Madaxwayne, Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay u aqoonsatay Dhiban Nadra Maxamed Jaamac Maxbuusad ugu xidhan Somaliland ra’yigeeda oo ay cabirtay darteed. Mudane Madaxwayne, maaha markii ugu horaysay ee Wasiirka Madaxtooyada Somaliland dad shacab ah ku xidhxidho eedo la mid ah tan uu Nadra Maxamed Jaamac ku xidhay ee ku saabsan fariimo ama hadalo dhinaca mobilka la isaga gudbiyay. Dhinaca kale, waxa haatan gabogabo maraya baadhitaan cabasho naga soo gaadhay muwaadiniin sheegay in Wasiirka Madaxtooyada Somaliland uu dhagaystay telefoonadooda. Wasiirka Madaxtooyada Mud. Xirsi Cali X. Xasan ayaa oo sida ay rumaysan yihiin dadka wax laga waydiiyo arimaha Somaliland ah wasiirka ugu awooda badan xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ayaa cadaymaha ilaa haatan ay heleen difaacayaasha xuquuqda aadamiga waxay ay daaha ka rogayaan cabashada muwaadiniinta ee ah la xidhiidha dhagaysiga wasiirka ee telefoonadooda iyagoo aan ka warqabin. Ma jiro sharci wasiirka u fasaxaya in uu sameeyo ficiladaasi xun ee aadaminimada ka baxsan, ficilka noocan ah ayaa la mid ah ruux daawanaya cawrooyinka dad muslim ah oo aan ka warqabin waxaanu xadgudub ku yahay dastuurka Somaliland, diinteena suuban ee islaamka iyo garashada toolmoon ee aadamiga. Horn Watch dhinaca kale waxay werwer xoogle ka qabtaa duruufaha qalafsan ee haysta maxaabiista ku jirta Saldhigyada Booliska Somaliland iyagoo maxaabiistu ku kaadiya kuna saxarooda qolalka ay ku xidhan yihiin gudahooda, maadaama oo aan madaxda boolisku u ogolayn in ay suuliyada ka baxsan qolalka maxaabiistu ku jirto in ay ku soo xaajoodaan. Taasi oo ku kalifta maxaabiistu in ay ku kaadiyaan kuna saxaroodaan baco iyo caagado kadibna ay dhigaan goobta ay dhinaca dhigayaan agteeda. Tani waa jidh-dil nooca ugu xun ee loo gaysto dad bani aadam ah, waxana booliska Somaliland aan qorshahaba ugu jirin in maxaabiista ay caadi ahaan xidhaan yihiin dad muslim ah oo ay ku waajibtay Salaadu. Ka sakow dahaara iyo salad la’aanta, waxa dhakhaatiirtu xaqiijinayaan in maxbuuska ku kaadinaya kuna saxaroonaya goobta uu ku xidhan yahay dhexdeedu ay si fudud ugu dhici karaan xanuuno badan oo uu ka mid yaay dhiigkarka iyo bukaano dhinaca maskaxda ah iyo dareenka ah oo mudo dheer haya. Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch waxay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ka codsanaysaa: Mudane Madaxwayne, In aad sida ugu dhakhsaha badan oo aanay wax shuruud ahi ku xidhnayan xoriyadeedii ugu soo celiso Nadra Maxamed Jaamac; Mudane Madaxwayne, waa in maxaabiista ku jirta saldhigayada Booliska dalku ay helaan suuliyo ka baxsan ama ka gaar ah qolalka ay seexdaan. Isla markaasina waa in madaxda boolisku aanay ku dirqiyin maxaabiista in ay ku kaadiyaan ama ku saxaroodaan goobta ay jiifsanayaan; Mudane Madaxwayne, waa in aad u ogolaato difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga ee madaxabanaan in ay booqdaan maxaabiista ku jirta xabsiyada iyo Saldhigyada Booliska ee dalka, iyagoo haatan hay’adaha sharci fulinta Somaliland ay u diidaan booqashooyinka aanu ugu tagno maxaabiista si aanu xaaladooda wax uga soo ogaano; Mudane Madaxwayne, adigoo xeerinaya Diinta Islaamka iyo Dastuurka Dalka waxanu si naxariisle kaaga codsanaynaa in aad wax ka qabato xubnaha wasiirada ah ee ka midka ah xukuumadaada ee dhagaysta telefoonada ay muwaadiniintu ku sheekaysanayso maadaama oo ficilkaasi laf jab ku yahay shareecada islaamka, dastuurka dalka (Somaliland Bill of Human Rights), Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga (UDHR) iyo aaladaha xuquuqda aadamiga ee caalamiga ah. ILAAHAY AYAA MAHADI U SUGNAATAY Suleiman Ismail Bullaale Gudoomiyaha Gudiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee Horn Watch

Hargeysa (msl)Difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland, ayaa Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u diray qoraal ay kaga codsanayaan inuu wax ka qabto xadgudubyo ay sheegeen in Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadu ku hayo muwaadiniinta.
Qoraal lagu socodsiiyay Madaxwaynaha Somaliland isla-markaana uu ku saxeexan yahay Suleebaan Ismaaciil Bullaale (Xuquuq) oo ah Guddoomiyaha Guddida Ilaalinta xuquuqda aadamaha Geeska Afrika, ayaa lagu sheegay in Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan uu xabsiga u taxaabay Gabadh muwaadinad ah oo lagu eedeeyay inay Moobaylkeeda Fariin cay ah uga soo dirtay Wasiir Xirsi.
Qoraalka Oo Madaxwaynaha ku socda oo ciwaan looga dhigay “Xadgudubyada Wasiirka Ugu Awooda Badan Xukuumadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan” ayaa u dhignaa sidan:
Hargeisa, Somaliland
Og: Warbaahinta Dalka iyo Dibada
Urgent Appeal Alert/Dalab Degdeg ah:
Xadgudubyadda Wasiirka Awooda Badan Xukuumada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan
Mudane Madaxwayne,
Anagoo kuu hayna ixtiraam faro badan, waxanu si xushmad leh kuula socodsiinaynaa walaaca ay difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland ka qabaan xadgudubyada xuquuqda aadamiga iyo xoriyadaha aasaasiga ah oo marba marka ka sii dambaysay kor u sii kacaya iyagoo ay ku lug leeyihiin tacadiyada dalka ka dhacaya masuuliyiinta sarsare ee xukuumadaadu.
Gabood falkii ugu dambeeyay waxa uu heleealay haweenayda lagu magacaabo Nadra Maxamed Jaamac oo ciidanka booliska Somaliland xabsiga u taxaabeen 18 January 2013, iyagoo ku eedeeyay tahdiid qoraal ah oo mobilkeeda ay uga dirtay Wasiirka ugu awooda badan Xukuumada Somaliland Mudane Xirsi Xaaji Cali Xirsi. Xubno ka tirsan hay’adaha amaanka Somaliland ayaa Horn Watch u xaqiijiyay in Nadra Maxamed Jaamac sidoo kale fariimo kale u dirtay masuuliyiin saresare oo xukuumada ka tirsan kana mid yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Madaxwayne K/xigeenka dalka. Gabadhan ayaa haatan mudo todobaad ah ku xidhan Salidhiga Dhexe ee magalaada Hargeysa iyadoo wali aanay dacwadeedu ka bilaabmin hay’adaha garsoorka dalka.
Ehelada haweenaydan ayaa u sheegay HornWatch in boolisku ay u diideen in ay siiyaan haweenaydan maxbuusada ah dawooyin ay qaadan jirtay ka hor intii aan xabsiga loo taxaabin, kuwaasi oo gurigeeda u yiilay balse markii ay isku dayeen in ay xabsiga kaga dabo geeyaan ay u diideen askartii Saldhiga Dhexe joogtay in ay siiyaan.
Qaar ka tirsan difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland oo iksu dayay in ay ku booqdaan Nadra Maxamed Jamac xabsiga ayaa masuuliyiinta Saldhiga Dhexe ee Boolisku ka maanaceen iyagoo ku sababeeyay in dad hore oo booqday ay sawirteen gabadhan. Sidaasi darteed difaacayaasha xuquuqda aadamiga madaxa banaan ayaanay u suurtogalin in ay ka war helaan xaalada caafimaad ee maxbuusadu sida ay haatan tahay.
Mudane Madaxwayne, Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay u aqoonsatay Dhiban Nadra Maxamed Jaamac Maxbuusad ugu xidhan Somaliland ra’yigeeda oo ay cabirtay darteed.
Mudane Madaxwayne, maaha markii ugu horaysay ee Wasiirka Madaxtooyada Somaliland dad shacab ah ku xidhxidho eedo la mid ah tan uu Nadra Maxamed Jaamac ku xidhay ee ku saabsan fariimo ama hadalo dhinaca mobilka la isaga gudbiyay.
Dhinaca kale, waxa haatan gabogabo maraya baadhitaan cabasho naga soo gaadhay muwaadiniin sheegay in Wasiirka Madaxtooyada Somaliland uu dhagaystay telefoonadooda. Wasiirka Madaxtooyada Mud. Xirsi Cali X. Xasan ayaa oo sida ay rumaysan yihiin dadka wax laga waydiiyo arimaha Somaliland ah wasiirka ugu awooda badan xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ayaa cadaymaha ilaa haatan ay heleen difaacayaasha xuquuqda aadamiga waxay ay daaha ka rogayaan cabashada muwaadiniinta ee ah la xidhiidha dhagaysiga wasiirka ee telefoonadooda iyagoo aan ka warqabin. Ma jiro sharci wasiirka u fasaxaya in uu sameeyo ficiladaasi xun ee aadaminimada ka baxsan, ficilka noocan ah ayaa la mid ah ruux daawanaya cawrooyinka dad muslim ah oo aan ka warqabin waxaanu xadgudub ku yahay dastuurka Somaliland, diinteena suuban ee islaamka iyo garashada toolmoon ee aadamiga.
Horn Watch dhinaca kale waxay werwer xoogle ka qabtaa duruufaha qalafsan ee haysta maxaabiista ku jirta Saldhigyada Booliska Somaliland iyagoo maxaabiistu ku kaadiya kuna saxarooda qolalka ay ku xidhan yihiin gudahooda, maadaama oo aan madaxda boolisku u ogolayn in ay suuliyada ka baxsan qolalka maxaabiistu ku jirto in ay ku soo xaajoodaan. Taasi oo ku kalifta maxaabiistu in ay ku kaadiyaan kuna saxaroodaan baco iyo caagado kadibna ay dhigaan goobta ay dhinaca dhigayaan agteeda. Tani waa jidh-dil nooca ugu xun ee loo gaysto dad bani aadam ah, waxana booliska Somaliland aan qorshahaba ugu jirin in maxaabiista ay caadi ahaan xidhaan yihiin dad muslim ah oo ay ku waajibtay Salaadu. Ka sakow dahaara iyo salad la’aanta, waxa dhakhaatiirtu xaqiijinayaan in maxbuuska ku kaadinaya kuna saxaroonaya goobta uu ku xidhan yahay dhexdeedu ay si fudud ugu dhici karaan xanuuno badan oo uu ka mid yaay dhiigkarka iyo bukaano dhinaca maskaxda ah iyo dareenka ah oo mudo dheer haya.
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch waxay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ka codsanaysaa:
Mudane Madaxwayne, In aad sida ugu dhakhsaha badan oo aanay wax shuruud ahi ku xidhnayan xoriyadeedii ugu soo celiso Nadra Maxamed Jaamac;
Mudane Madaxwayne, waa in maxaabiista ku jirta saldhigayada Booliska dalku ay helaan suuliyo ka baxsan ama ka gaar ah qolalka ay seexdaan. Isla markaasina waa in madaxda boolisku aanay ku dirqiyin maxaabiista in ay ku kaadiyaan ama ku saxaroodaan goobta ay jiifsanayaan;
Mudane Madaxwayne, waa in aad u ogolaato difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga ee madaxabanaan in ay booqdaan maxaabiista ku jirta xabsiyada iyo Saldhigyada Booliska ee dalka, iyagoo haatan hay’adaha sharci fulinta Somaliland ay u diidaan booqashooyinka aanu ugu tagno maxaabiista si aanu xaaladooda wax uga soo ogaano;
Mudane Madaxwayne, adigoo xeerinaya Diinta Islaamka iyo Dastuurka Dalka waxanu si naxariisle kaaga codsanaynaa in aad wax ka qabato xubnaha wasiirada ah ee ka midka ah xukuumadaada ee dhagaysta telefoonada ay muwaadiniintu ku sheekaysanayso maadaama oo ficilkaasi laf jab ku yahay shareecada islaamka, dastuurka dalka (Somaliland Bill of Human Rights), Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga (UDHR) iyo aaladaha xuquuqda aadamiga ee caalamiga ah.
ILAAHAY AYAA MAHADI U SUGNAATAY
Suleiman Ismail Bullaale
Gudoomiyaha Gudiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee Horn Watch

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com